Article V1

Taariikh Nololeedkii Cabdullahi Maxamed sacdi

Category: General
Author: html
Date: 2007/11/19
Waxaan halkan idiinku soo bandhigaynaa taariikh nololeedkii Cabdullaahi Maxamed Sacdi, laga soo bilabo markii uu halganga soo galay ilaa iyo intii uu ka dhimanayay. Waxaa kaloo la socda waraysi dheer oo Somalitr la yeelatay Cabdullaahi 2004. (Daawo sawiro kala duwan )
Summary: Waxaan halkan idiinku soo bandhigaynaa taariikh nololeedkii Cabdullaahi Maxamed Sacdi, laga soo bilabo markii uu halganga soo galay ilaa iyo intii uu ka dhimanayay. Waxaa kaloo la socda waraysi dheer oo Somalitr la yeelatay Cabdullaahi 2004. (Daawo sawiro kala duwan )

Somalitribune waxay halkan ku soo bandhigaysaa taariikhdii alaha ha u naxariistee Cabdullaahi Maxamed Sacdi. Waxaan kaloon halkan ku soo bandhigaynaa waraysi aad u dheer oo Somalitribune ay la yeelatay Cabdullaahi 4/10/2004. Waraysiga Cabdullaahi waxaa ku jira xog waran badan oo ku saabsan taariikhda halgan, taariikhdiisii, aasaaskii onlf, dhacdooyinkii 1991 ilaa 2004, Khaladaadka jira , sida wax lagu sixi karo iyo warar kale oo badan.

Taariikhda Cabdullaahi Maxamed Sacdi oo kooban:
Cabdullaahi Maxamed sacdi wuxuu ku dhashay gobolka Nogob , isagoo da?diisu ay yartahay ayuuna ku biiray halganka lagu xoraynayay dhulka soomaaliyeed ee Ogaden. 1950 yadii ayuuna u soo qaxay Soomaliya. Wuxuuna halganka si toos ah ugu biiray 1960, xiligaas laga bilaabona wuxuu cabdullahi aha xubin firfircoon oo u dagaalama xuquuqda gobolkaasi.

Wuxuu ka mid ahaa jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed (WSLF) kaasoo markii dambana uu noqday wakiilka jabhada ee dalkaasi Kuwait.

Ka dib dagaalkii 77 markii dowladii Soomaaliyeed ay ka soo baxday Dhulka Soomaliyeed ee ay gumaysanaysay Etiyoobiya waxaa jahawareer ku dhacay WSLF iyadoo dowlada Soomaliyeed ay fara gelin toos ah ku samaysay maamulka jabhada iyo tubta ay qaadayso jabhadu.

Jahawareerkani wuxuu keenay in ay soo baxan codad fara badan oo dalbanaya in jabhadau ka madax banaanaato dowlada Soomaaliyeed aayaheeda iyo masiirkeedana ay iyadu go?aamiso.

Iska hor imaadkii iyo dhacdooyinkii dhex maray dowladdi Siyaad Bare iyo Jabhadii Somali Galbeed sanadihii 1981, 1982 iyo 1983 wuxuu dhaliyay kacdoon , kaasoo dhaliyay ku dhawaqidii Jabhada wadaniga Xoreynta Ogaadeenya. (ONLF) sanadkii 1984.

Cabdullahi Maxamed Sacdi wuxuu ka mid ahaa aasaasayaasha ururka ONLF ee sida tooska ah u cadaystay in ay ka mid yihiin ururkaas isagoo weli wakiil u ah jabhada xoreynta Somali galbeed (WSLF) , haystana basaboor dublamasi soomaali ah.

Cidamada nabad sugida ee dowladda siyaad Bare waxay ku guul daraysatay in ay ogaato sirta ururka cusub iyo xubnaheeda ku sugnaa gudaha Soomaaliya waxayna goaansatay dowladau in ay la dagaalanto , culaysna saarto xubnaha cadcad ee dibada ku nool.

Dowlada Soomaaliyeed waxay xidhiidh la samaysay wadamada carbeed oo ay wufuud u dirtay yadoo ku war gelinaysa in wakiilada qaarkood oo metela WSLF laga xayuubiyay jagooyinka ay hayeen isla markaana lagala noqday baasabooradii Soomalaiyeed.

Cabdullaahi Maxamed Sacdi wuxuu ka mid ahaa wakiilada WSLF ee ay dowladda Soomalaiyeed kala noqotay baasaboorka. Bishii Oktoobar 1986 waxaa soo gaadhay Cabdullaahi Maxamed Sacdi warqad ka soo baxday wasaarada Arimaha Dibada ee jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaaliya oo ku qoran af English (Somalitribune waxay heshay nuqul warqadas ah eeg ) taariikhda warqada la qorayna ay ahayd September 1986 waxaana ku qornaa warqada :

? Waxaan kugu wargelinaynaa in Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaaliya ay kaala noqotay aqoonsigii metelaada jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed maadaama aad ku dhawaaqday in aad ka baxday jabhadaas. Sidaas daraadeed waa inaad soo celisaa baasaboorkii diblomaasiga ee Soomaaliyeed. Waxaa intaas dheer in aan lagu siin doonin baasaboor kale oo Soomaaliyeed ?

[img align=left width=300]http://www.somalitribune.com/images/somalitr/kilalka/sacdi-pasport2.jpg[/img] (sawirka bidixda waa warqadii ka soo baxday wasaarada arimaha dibadda ee Soomaaliya ee cabdullaahi lagala noqday baasaboorka)

Ka dib Cabdullaahi Xaasikiisa Shamso Yuusuf , labadooda caruurta maxamed iyo Mahad iyo gabadh ay soo korsadeen oo la dhalatay Shamsa , aamina waxaa noqdeen dad dowlad la?aan ah oon lahayn wax baasaboor ah.

Cabdullaahi Maxamed Sacdi iyo reerkiisa waxaa markii dambe u soo gurmaday qaramada midoobay una qaaday wadanka Noorweey 1987. Wadanka Noorweey oo ah wadan aad u qabow oo baraf uu ka dhaco bilo badan waxay ahayd cimilo aad uga duwan tii uu horey u joogay.

Muddooyinkii u dhexeysay 1987 ilaa 1999 waxaa yaraady xidhiidhka madaxda ONLF maadaama culaysyo la mid ah kan cabdullaahi ay ku dhacday xubnihii kale ee ururka . Waxaana urrurka soo waajahday isku xidhnaan la,aan iyo tafaraaruq.

1988 wuxuu cabdullaahi dib u bilaabay dhaqdhaqaaqii ururuka isagoo xidhiidhyo la sameeyay xubnihii kale isla markana soo abaabulay kana qayb qaatay shirar ka dhacay wadamada Yurub. Wuxuu kaloo Cabdullaahi sii korodhistay aqoontiisa waxbarasheed intii uu joogay Yurub.

Ka dib markii isbedel ka dhacay Etiyoobiya xukunkiina ay la wareegeen EPRDF waxaa isbedelo lagu sameeyay qaab dhismeedkii Ethiyoobiya iyadoo loo qaybiyay gobolo lagu saleeyay qowmiyado , qawmiyad kastana la yidhi idinku isa soo doorta oo is maamula. Deegaanka Soomaaliduna wuxuu noqday mid ka mid ah 9 deegaan ee loo qaybiyay Etiyoobiya .

1992 wuxuu Cabdullaahi Maxamed Sacdi dib ugu noqday Ogaden (Deegaanak Soomaalida ) oo markii u dambaysay oo uu halkaas joogo ay ahayd dagaalkii Ogaden ee 1977.

Wuxuuna ka qayb qaatay shirarkii iyo doodii ka dhex aloosnayd ururka ONLF ee ku aadanayd mawqifka ay jabhadu ka qaadanayso isbedelka jira. Wuxuuna ka mid ahaa koox iyadu ku doodaysay in laga qayb qaato isbedelka hadda jira , doorashooyinkana ay jabhadu ka qayb qadato (Somalitribune waxy haysaa cajalado video oo muujinaya doodahan ).

Doorashadii ka dhacday ismaamulka Soomalaida 1993 waxaa ku guulaystay kuraastii u badnayd jabhada ONLF. Jabhaduna waxay musharax u soo dooratay Cabdullaahi Maxamed sacdi inuu noqdo musharaxa madxweyna ismaamulka soomalida ee Ethiyoobiya.

[img align=left width=300]http://www.somalitribune.com/images/somalitr/kilalka/kilalka5.JPG[/img] (sawirka bidixda waxa weeye doorashadii baarlamaanka ee madaxweynaha deegaanka soomaalida (sawiro kale hoos ka eeg)

Khudbadii u horeeyay ee Cabdullaahi Jeediyay wuxuu ku sheegay in loo dhiibay Miis aan kursi lahayn taasoo uu uga jeeday in loo dhiibay gobol ay ku yaalaan oo keliya xeerooyin ciidamo, meel aan waxba oolin , shacab qaawan iyo gobol ka dambeeya gobolada kale ( eeg sawirada calemo saarka, Somalitribune waxay idiin haysaa cajalad vedeow ah oo ku saabsan caleema saarkii iyo khudbadihii kal duwanaa ).

Ka dib markii la caleemo saaray uuna xukunkiina la wareegay wuxuu Cabdullaahi markiiba u dhoofay Addisabeba si uu ula kulmo raiisul wasaaraha Etiyoobiya wuxuu kaloo markiiba uu qabtay shir jaraaid ay ka soo qayb galeen safaaradaha carabta iyo kuwa reer galbeedka qaarkood wuxuuna halkaasi Cabdullaahi ka iclaamiyay in ay higsanayaan in ay helaan xornimo buuxda oo la mid ah tan Ereteriya ay qaadatay.

Cabdullaahi Maxamed Sacdi isagoo haya jagada madaxweynimada 8 bilood oo keliya ayaa bishii August laga qaaday jagadaasi iyadoo ridida Cabdullaahi ay ka dambeeyeen madaxda ONLF iyo siyaasiyiin kala duwan oo u dhashay deegaanka.

Waxaana suuqa la geliyay in Cabdullaahi uu dhunsaday lacag isla markaana uu iska jiifo hoteelada Addisabeba (eeg waraysiga ay Somalitribune la yeelatay Cabdullaahi M. Sacdi).

Bishii Oktoober 1993 saddex bilood ka dib markii xukunka laga qaaday ayaa Cabdullaahi xabsiga la dhigay.

Ka dib markii la sii daayay Cabdullaahi wuxuu halkii ka sii wedey dhaqdhaqaaqiisii siyaasadeed . Wuxuuna markii dambe u soo dhoofay Dalka Ingiriiska halkaas oo uu degey .

Intii uu ku noolaa Yurub wuxuu qabtay shirar kala duwan , isagoo soo jeedinayay in dadka deegaanka u dhashay in ay midoobaan lana qabto shir weyne guud oo loo yeedhayo aqoonyahanada, odoyaasha, siyaasiyiinta u dhalatay deegaanka Soomaalida isla markaana si daacad ah oon waxba la isu qarinaynin looga wada hadlo xaalada deegaanka Soomaalida ka jirta , xaalada Etiyoobiya , wadamada deriska inala ah , siyaasada guud ee caalamka ee ku waajahan gobolka ka dibna masiirka umada halka uu marayo go?aan cad laga qaato. Arintan o ay isku diideen ururada siyaasada qaarkood keentayna in ay go?doomiyaan.

Cabdullaahi wuxuu qayb weyn ka qaatay soo dhaweyntii hogaamiyo dhaqameedyadii deegaanka Soomaalida ee safarka ugu yimid Yurub.

[img align=right width=300]http://www.somalitribune.com/images/somalitr/kilalka/guurtida-london.jpg[/img] (sawirka midigta: Cabdullaahi oo ku sugan garoonka Heatrow soona dhaweynaya odoyaasha dhaqanka )

Cabdullaahi Maxamed Sacdi wuxuu kaloo ku mashquulsanaa mudooyinkan dambe buug uu ka qorayay gobolka Ogaden taasoo uu sheegay intaanu dhiman alaha ha u naxariistee ka hor inuu meel fiican u marayo. Sida muuqatana wuxuu geeriyooday isagoon dhamaynin buugaasi.

Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa waraysi dheer oo Soomalitribune horey ula yeelatay cabdullaahi Maxamed sacdi isagoo kaga waramaya arimo badan oo ay ka mid tahay la wareegidii xukunka, ka qaadistii, xidhidstii , onlf araktidiidsa, taariikh koban, waxa khaldan iyo sida loo sixi karo.

Inkastoo taariikhda Cabdullaahi Maxamed Sacdi laga qori karo bogag aad u fara badan haddana intaas ayaan ku soo ururinaya iyadoo waraysigan wax badan oo taariikhdiisa ah ay ka soo baxayaan.

Waraysigii cabdullaahi Maxamed Sacdina waa kan hoos ku qoran :

Waraysigana waxauu u dhacay sedan: 'Waxaan fursad u helnay inaan waraysano Cabdullaahi Maxamed Sacdi oo mudde dheer ku soo jiray halganka xornimadoonka ee Ogaadeenya ama Soomalai Galbeed . Wuxuu ahaa wakiilka jabhaddii WSLF u fadhiyay Kuwait wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii jabhadda ONLF. Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee ismaamulka deegaanka Soomalida . Waraysigu wuxuu u dhacay sidan:


Intaanaan u gelin maamulkii uu madaxda ka noqday cabdullaahi waxaanu ku bilaabaynaa waraysigan halgankii Ogaadeenya, WSLF iyo jabhada ONLF oo uu ku soo galay doorashadii ka dhacday deegaanka janaayo 1993.

Suaal: Cabdullaahi waxad nooga warantaa halganka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray?

Halganku wuxuu soo jiray oo socday qarniyo fara baddan laga soo bilaabo min Axmed Guray , Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, SYL ilaa qaar ka tirsan goboladda Soomaaliyeed ay xornimo qaateen lixdemeeyadii halka kuwa kalena ay ku sii hadheen gacanta gumaysiga. Sanadihii lixdameedyadii waxaa ka bilaabmay Afrika dabayshii xornimo. Markii ay labadda gobol ee soomaaliyeed xornimadda qaateen ee ay noqdeen Jamhuuriyada Soomaaliyeed, gobolodii kale ee maqnaa mid walba danihiisa gaarka ah ayuu gaar u raacday. Gobolka Ogaadenya Waxaana halkaas ka socday ururo xornimo raadis ah waxaa ka mid ahaa ururkii Nasrulaahi. Inkastoo ururkan aanu jirin waqti dheer haddana abaabul fiican ayuu sameeyay. Arin muhiim ah oo uu ururkani sameeyay waxay ahayd in ardayda la kiciyo oo waxbarasho dibadda ah loo diro si ay wax u soo bartaan. Dhalinyaro baddan ayaa qaarkood lug ku baxday oo soomaliya gashay , qaar carabaha ayay tageen. Gumaysigii ayaa ogaaday in ururkani jiro ka dibna madaxdii ayaa la xidhxidhay. Waxaa ka mid ahaa madaxdaas la xidhay alaha ha u naxariistee suldaan Duulane Rafle iyo Sheekh cabdiraxmaan qaasim. Ka dib markii ay arintaais dhacday ayaa waxaa baxay rag madax ahaa oo ku shiray Xodoyo 1963.

Kulankaas ay yeeshen odoyaasha ayaa waxaa lagu magacaabay guddi uu madax ka yahay Makhtal Daahir , waxaa guddigaas ka mid ahaa rag fara badan oo uu hal nin ka nool yahay. Waxaana lagu aasasay halkaas urur loogu magac daray ?jabhadda xoreynta Ogaadeenya.? Guddiga halkaas lagu magacaabayna waxay kala ahaayeen :

1- Makhtal Daahir, Guddoomiye
2- Maxam?d Ugaas Majeerteen, Guddoomiye ku xigeen
3- Xaaji Xassan Sheekh,
4- Suldaan Maxamed Qani, guddoomiyaha lacagta
5- Xaaji Cali Yaasiin oo hadda nool , guddoomiyaha arimaha dibadda
6- Xirsi xassan Bide , arimaha guddaha
7- Aden Handal, arimahaa warbaahinta
8- Mukhtaar Aw Xusseen, arimaha bulshada
9- Xiis Khaliif, Arimaha nabadgelyadda
10- Xaji Siraad , arimaha Cadaalada
11- Aden Xadiis , ciidamada
12- Jowhar Sheekh Cabdi , Xoghayaha

Ka dib waa kuwii dagaalka bilaabay, xabadii u horeysayna riday. Ka dib markii uu dagaalku bilaabmayna madaxdii waxay soo doonteen garab iyo aduunka inay u sheegaan halgankaas socda. Waqtigaa iyada ah waxaa xamar ka jiray ururkii Nasrulaahi uu uu madax ka ahaa Ibraahim Xaashi, oo isagu ku hawlanaa qorshihii ahaa in la helo dad aqoon leh oo wax u barta halgankan. Dhalinyaro baddan ayayna dibadda u direen. halganku sidaas ayuu ku bilaabmay ila ahaddana ku socdaa .

Su?aal. Goormaad adigu halganka ku soo biirtay?

Jawaab: Sidaan sare ku soo sheegay waxaa jiray arday uu yeeshay halganku , waxaana jiray ururo arday ahaa oo uu lahaa halganku kaasoo lahaa xubno badan. Anigu ururkaas ayaan ka mid ahaa oon guddoomiye ka noqday. Waxaana halganka aan soo galay aakhirkii 1960.

Su?aal: Sidaad sheegtay waxad halganka soo gashay 1963 taasoo ka dhigan in aad in baddan halganka ku soo jirtay laga soo bilaabo xiligaa ilaa WSLF iyo ONLF oo hadda jirta. Waxaa jira haddaba su?aalo soo noqnoqonaya oo horeyna dad badan loo weydiiyay oo ah maxaa keenay in jabhaddo baddan oo magacyo kala duwan leh ay soo baxaan , ka dibna burburaan iyagoon gaadhin hadafkii loo aasaasay?

Jawaab: Horta asbaabo baddan ayaa jira. Gobolkan waxaa soo maray dhibaatooyin fara badan oo is daba joog ah. Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah jaha wareer badan oo siyaasadeed. Waxaa kaloo jiray dhibaatooyin kaga imanayay dibadda ama ha ahaadeen kuwa gumaysi amaba kuwa kaleba ha ahaadeenee. Gobolkan markii horena Soomaali weyntaas la xoreynayo ayuu ka mid ahaa markii dambana isagaa gooni isu abuuray. Ururkii OLF ee la aasaasay 1963 waxa aasaasay odoyaal aan lahayn khibrad siyaasadeed oo sidaa su sii qoto dheer, laakiin iyagu way bilaabeen halgankii si kale oo ay wax ku heli karayeena ma jirin aan ahayn taas ay qaateen. Waxay raadinayeena wuxuu ahaa xareeda xornimadoon ee afrika markas ay helaysay markay hadal wax ku waayeene xaqoodii aaya katalinta ayay bilaabeen. Odoyaashii markay bilaabeen halganka shacabkiina wuu qaatay hase yeeshee ardaydii ilaa kontomeeyaddii baxayay markay soo noqdeen waxay yimaadeen Soomalaiya. Afrika dadkoodii wax bartay ayaa halganka gacanta ku dhigay oo hab dhaqan ahanatii intay ka badeleen hab caalamka la socon kara u beddelay. haddaba dhalinyarii gobolka wax u soo baratay halkay halganka majaraha u qaban lahaayeen taasi ma dhicin. Dhalinyaradii markay Soomaaliya ku soo noqdeen waxay ku biireen noloshii cusbeed ee Soomaaliya taalay. Nin walbaana wuxuu bilaabay in jamhuuriyadda uu wax ka dhiso. Jamhuuriyaddii cusbayd ee dhalatay ayuu halgankii dhex galay oo uu ku milmay.

Su?aal: Waxaas ka mid ahayd ragii asaasay ururka ONLF 1984. Xiligaas ood ka mid ahayd ururkii WSLF wakiilna aad uga ahayd Kuwait. Maxaa sababay in xiligaas aad ku dhawaqdaan urur cusub?

Jawaab: WSLF waxaa lagu dhisay guddaha Soomaaliya. WSLF xaga ciidanka way ka dhisantay tabarna way yeelatay waxayna noqotay jabhad baaxad ciidan, taktik iyo dagaalba leh. Laakiin ma noqonin jabhada yeelata go?aan siyaasadeed oo madax banana. Jabhadduna ma helin hogaan siyaasadeed oo madax banaan oo hagi karo jabhadd leh baaxadaas ciidan ee soo sheegay. Xukuumadda Soomaaliyeed ayaa lahayd go?aanka siyaasadeed. Jabhadduna waxay noqotay mid hadba istraatiijiyada xiligaas ku haboon ama sidda la doono loo hago. Markii dagaalkii 77 lagu soo jabay dagaalkaas oo aanay u kala hadhin umadda Soomaaliyeed ka dibna uu mucaarad ku furmay xukuumaddii Soomalaiyeed waxa abilaabmay wada haddal dhex mara dowladdii soomalaiyeed iyo Etiyoobiya. Xiligaa Etiyoobiya waxa joogay mucaarada Soomalaiyeed, Soomaaliyana waxa joogay jabhadda WSLF. Ka dib heshiis ayay gaadheen labadda dowladood. Dowladda Etiyoobiya waxy si fiican u soo hubaysay mucaaradkii Soomaaliyeed oo joogay halkas ooy tiri wakaas wadnkiini ee aada. Jabhaddii WSLF lama odhanin war hubkan qaata oo orda oo aada gobolkii. Ciidankiina wuu burburay siyaasadiina burburtay markaa yaa xaq u leh aaya ka talinta dadka . dadka u dhashay ayaa xaq u leh sidaas ayaanu ku aasaasnay ururkan ONLF.

Su?aal: markii aad aasaasayseen ururkan waxaad la baxdeen ? jabhadda xereynta wadaniga Ogaadeenya ONLF?. Maxaa keenay inaad magacaas qaadataan . ma eegteen magacyo kale , maxaadse ku salayseen markad magacas qaadanayseen?

Jawaab: Arintan dad badan ayaa ka hadlay, marar badana waa laga hadlay. Horta ururkan dhowr qof ayaa bilaabay ka dibna dad gaadhaya 15 qof ayaa loo sheegay. Markii laga hadlayay barnaamijka ururku ku soconayo waa la isku wadda raacay marka laga reebo hal qodob oo ah magaca loo bixinayo ururka. Magacyo badan ayaa la soo bandhigay hase yeeshee waxaa laga maarmi waayay si halganku u socdo in la helo weji cusub iyo wax la yaqaano. Dagaalkii 77 aduunweynuhu wuxuu u yaqanay Ogaden War. Marka la dhaho Ogaden war cidna kama qarsoona meesha laga hadlayo, taasoo xataa maabaka caalamka laga helayo magacaas iyo meesha uu ku yaalo. Haddaba markii magacan la qaatay waxaa la eegay asbaabao badan. Asbaabadaas waxaa ka mid ah taas aan sare ku soo sheegay . Tan labaad waxay ahayd dadka u dhashay gobolka badankoodu waxay joogeen jamhuuriyadda. Markaas dadkas faraha baddan leh si loogu soo xidho ururka oo shacbiyad uu ururku u yeesho in magacaas la siiyo ayaan garanay. Waxaan is nidhi magacaas way ku imani karaan dadka u dhashay gobolka. Sababtuna waxa weeye dadku way ka caajiseen WSLF shacbiyadna way yeelan weyday. Magacase waxaan u qaadanay si ku meel gaadh ah qorshuhuna wuxuu ahaa in ururku noqdo mid qarsoodi ah ilaa uu istaagayo. Ka dibna shirka u horeeya ee uu ururku yeeshana lagaga hadlo magaca in la sii wato iyo in kale oo la beddelo.

Su?aal: Sidaad sheegatay magacu wuxuu ahaa ku meel gaadh ahaan intaad isaga imanaysaan shirweyne. Shirkii ugu horeeyay eed yeelataan ma isla soo hadal qaadeen arintaas?

Jawaab: Waxaa isweydiin leh shirkii ugu horeeyay ma qabsoomay ? waxaa halkas soo gelaya su?aalo baddan ah oo ay ka mid tahay goormuu qabsoomay. Waxaa dhacday in dowladii soomaaliyeed ay ogaatay ururkii cusbaa , anagu waxaanu ku joognay dibadda magacii WSLF, markaa waxa la naasaray cadaadis xoog leh , waxaa lanaga qaatay baasabooradii , taasi waxay keentay in aad la noo soo dhex galay oo cadow badan aan yeelanay, xataa dad gobolka u dhashay ayaa oo dadklii noogu xigay ahaa ayaa nala dagaalamay oo la noo adeegsaday

Su?aal aan kaa dhex galee goormaad qabsateen shirkii ugu horeeyay ?

Jawaab: Anagoo si fiican aanan salka dhulka u dhigin ururkiina aanu yeelan weli laamo baddan, anagii arinta wadnay xataa aanan si fiican isu baranin , ayuu cadaadiskani nagu yimid. Baasabooradii aya qaarkayo laga qaaday oo sharci la?aan ku dhacday isla markaana qoxooti ayaan noqonay. Rag aan anigu ka mid ahay waxaa na aqoonsaday qaramada midoobay waxana la ii qaaday Noorweey. Isku xidhiidhnaadii ururku wuu yaraaday. Ragii ururka sameeyay qarkoodna ururo kale ayay galeen. Dibadda iyo gudahana isku xidhnaan ma dhicin. Ururkii wuxuu noqday mid uu nin walbaa sheegto. Markaa ururku isagoon weli isugu imanin shir weyne oo aan ka wada hadlin wixii dhacay oo aasaasayaashii aanay kulmin ayaa isbedel ka dhacay Etiyoobiya.

Su?aal:Ururkan waxaad aasaasteen 1984 , Etiyobiyana waxuu isbedelku ka dhacay 1991. Sida aan wada ognahay markii jabhadda tigreega ay soo gashay wadanka ma aynan la kulmin wax jabhad ah oo reer Ogaadenya ah waxaana warbaahinta laga daawanayay in calamo lagu soo dhaweeyay markay soo galeen gobolka , halka ragii sheeganayay inay metelayaan jabhadda ee dibada joogay ay diidanaayeen in wax wada haddal ah aynan la yeelanaynin jabhadii tigreega. Miyaanan la odhan karaynin jabhaddu gudaha kama aynan jirin ee dibadda uun bay ka jirtay. ?

Jawaab: Taasi wax la inkiri karo ma aha. Isbdedelada ka dhacay Soomaaliya iyo Etiyoobiya waxay ku soo hagaageen xili ay jabhadu dib isu abaabulin . Ma aynan dhicin kulan ay aasaasayashii jabhaddu isugu yimaadeen oo ay kaga wada hadleen isbedelada dhacay. Waxaa isku xidhmay dhalinyaro joogtay Suuriya, ninkii joogay Aljeeriya iyo Sheekh Ibraahim. Iyaga uun baana sidii ay rabeen u jiheeyay ururkii.. Waxaa London ka jiray urur la odhan jiray Ogaden action group. Waxaan imid London 1988 madaxdii ururkaas Ogaden Action group ayaan la kulmay waxaanan u sharxay ONLF iyo ujeedooyinkii loo aasaasay sidaas ayayna ku soo galeen jabhada. Ka dibna shirar kale ayaa ka dhacay holand iyo Jarmalka. Isku soo duudub iyadoo arintu ay sidaas tahay oo ururku uu kala daadsan yahay ayaa waxaa dhacay shirkii London ee ku saabsanaa Etiyoobiya.

Su?aal : Nooga waran shirkaas iyo sidda ay wax u dhaceen ?

Jawaab: sida aniga igu maqaalo ah TPLF waxay rag u dirtay Kharduum waxayna codsatay in ay la kulanto ONLF. Taasina ma dhicin oo madaxdii ONLF lama aynan kulmin. London dhalinyaradii joogtayna mudaharaad ayay dhigeen. Madaxdii jabhada qaar ka tirsan dhalinyaro ayay u direen guddihii oo addisabeba tegey kana qayb qaatay shirarka halkaas ka dhacayay. Dhinaca kalena sheikh Ibraahim , Maxamed Ismaaciil , Doolala waxay BBC iyo warbaahinta kaga dhawaaqayeen in shirkaas ka socdaa Addisabeba aanu khuseen iyaga oo aanay taageersanayn. Dhinacna dhalinyaradii ay iyagu direen ayaa ka qayb gelaya oo taageersan. Ma ahayn arin loo wada dhamaa oo laga dooday oo la falanqeeyay. Ma ahayn arin ay isaga timid madaxdii jabhaddu.

Su?aal: ugu dambayntii jabhaddu way ogolaatay nidaamkii fedraaliga wayna ka qayb qaadatay doorashooyinkii gadaal ka dhacay. Maxaa isbedelay oo markii horena ay u diideen gadaalna ay ka ogolaadeen?

Jawaab: Su?aashaasi waxay ku haboonaan lahayd inaad iyaga weydiisid. Waxaase la yaab leh ragii dibadda kaga dhawaaqay in anay diidanyihiin wadahadalada iyagana aanay khusaynin ayaa galay isla markiiba guddihii. Waxaase dhacday in EPRDF ay u cuntami weyday dhalinyaradii ONLF ahayd ee joogtay Addisabeba , maadaama ay madaxdii diidantahay kana maqan tahay shirka waxay go?ansadeen in WSLF ay raadiyaan. Madaxdii WSLF oo lahaystayaal ku ah Xamar ayaa la raadiyay. Safaaradii Suudaan ayaa tidhi anagaa keenayna. Waxaana la soo qaaday Sheekh Cabdinaasir iyo marxuumkii Majeerteen. Waxayna ka mid noqdeen dadka metalaay Soomalaida. WSLF ayaa la siiyay saddex qof, ka dibna WSLF ayaa mid siisay ONLF. Arintu sidaas ayay ahayd.

Su?aal : Shirkas addisabeba ka dib maxaa dhacay ?

Jawaab: waxaa jirtay in dhalinyaradii ONLF , WSLF iyo waxgaradkii dadku ay wada hadleen la islana gartay in lawada shaqeeyo oo la midoobo. Waxaa yimid wadankii madaxdii jabhada qaarkood . Waxa shir ka dhacay Dhagaxbuur. Waxaa la soo jeediyay in shir weyne dadka Soomalayeed iyo beelaha oo dhanba loo qabto wixii laga yeeli lahaa isbedeladdan etiyoobiya ka dhacayna laga wada hadlo waxna la isla meel dhigo. Madaxdii ONLF ee dibadda ka timid wey diideen baaqaas waxayna sheegeen in ay shir ku qabsanayaan meesha la yidhaahdo Garbo. Waxayna yidhaahdeen ninkii raba halkaas ha yimaado. Dakuna maba diidaneen ONLF xiligaas. Hase yeeshee waxaa dhacday in geed hoostii la fadhiistay ka dibna la yidhi guddi baan samaysanay, anagaana wadanka ka talina. Markii ay arintaasi dhacday dadkii way kala baxeen wixii ONLF taageeray onlf bay noqdeen dadkii kalena ururo ayay samysteen. Waxaa addisabeba ka dhismay 13 urur waayo fursad baa la siiyay. Etiyoobiyana way ka faiidaysatay oo waxay aragtay in aanu jirin urur xoog badan oo dadka Soomaalida isku haya..

Su?aal: Cabdullaahi waxaad ku nooleyd magaalada Oslo, Norwey, waxaadna aaday guddihii markaad aaday gudihii maxaad kala kulantay?

Jawaab: Markii aan tegey guddihii waxaan la kulmay odoyashaa iyo wax garadkii waxaana la ii sheegay siday wax u dhaceen. Madaxda jabhadu markaa waxay joogeen Garbo. Halkas ayaan aaday, waanan wada hadalnay . Waxaanan weydiiyay maxaa geedka hoostiisa idin fadhiisiiyay maxa idiin diiday inaad aadan magaalooyinka waaweyn , caalamkana aad ugu bandhigtaan aragtidiina. Markaan wada hadalnay waxy ii soo jeediyeen in saddex arimood aan mid yeelo. Kow inaan ambassador uu noqdo jabhada oon etiyoobiya u matalo. Waxayna ahayd wax lal yaabo hadalkaas oo is burinaysa. Laba: In xafiiska addis abeba ee jabhada aan ku xigeen ka noqdo, Siyaad Bedri ayaa guddoomiye ka ah markaas. Saddex: Haddii ay doorasho ka dhacdo gobolka oon ka qayb qaadano inaad noqotid ninka metela gobolka. Iyaga iska fogee oo xarunta ka fogeeya ayay ka ahyd mase fahansaneen in Addis abeba ay tahay meeshii ay wax ka socdeen. Markii aan eegay waxa dhacayay iyo sida ay wax u dhacayaan labadaba waxaan door biday in aanan abuurin khilaaf waxaanan ku soo noqday Addisabeba, anagoo la shaqeynayay xafiiskii jabhadda ee Addisabeba.

Su?aal: Sida aad sheegayso madaxdii jabhaddu waxay fadhiday geed hoostii idinkuna waxaad ka hawlgelayseen Addisabeba , maxaad ka qabanayseen halkaas oo shaqadiinu ahayd?

Jawaab: Waxaan wadnay hawshii xafiiska waxanan la kulmaynay madaxda safaaradaha iyo kuwa Etiyoobiya. Waxyaabihii ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa markii madax ka socotaa EPRDF aanu la kulanay oo na yidhaahdeen ? madaxdii jabhada ONLF waxay joogaan Baardheere oo ay hub u doonteen , dhinacna doorasho ayaan ka qayb gelaynaa ayaad leedihiin sideed wax u wadaan ? Waxay kaloo ii sheegen in ay la socdaan dhamaan meelihii ay mareen madaxda jabhadu , baaburkii ay la socdeen , raadiyihii iyo dokumentigii laga qaatay oo weliba ay noo sheegeen in dokumetigii laga qaaday ay na tusi karaan. Waan yaabay waxaan ku hadlana waan garan waayay anagu waxaas lama socono. Markaas horta jaha wareerkaas faraha badan ayaa jiray.

Su?aal waxaa timid xiligii doorashada jabhaduna way ka qayb qaadatay . Sidee ayay u dhacday doorashadu?

Jawaab: Runtii dhalinyaradii ONLF aad iyo aad ayay u dadaaleen , jabhaddiina khaladaad kastoo jiray si fiican ayay u hawl gashay . Doorashadiina ONLF ayaa ku guulaysatay. Nin walba degmadiisii iyo tuuladii uu ka soo jeeday ayuu aady oo laga soo doortay , cid la boobay iyo cid la dhacyna ma jirin. Waxaa dhacday in dad soomaliyeed ay noo yimadeen oo ay dhaheen waar wadanka waxbaan ku leenahay ee maxaa wax la noo siin waayay waxaa markaa xusid mudan in qaabka ay u dhacayso doorashadu aynan samaynin ONLF ee ay sameeyeen EPRDF, Sharci ay ONLF samaysay ma jirin , degmo ay samaysayna ma jirin ee qaabkii ay EPRDF u dejisay doorashada ayay u wax u dhaceen. Nin walbana degmadiisii ayaa laga soo doortay sidaas ayaanu aqlabiyaddana ku helnay. Anaana noqday madaxweynihii gobolka

Suaal: Cabdullaahi waa lagu doortay talaabadii u horeysay eed qaadeen muxuu ahaa ?

Jawaab: Markii ani la i doortay shirkii u horeeyay waxaa lagu qabtay Diridhaba oo ahaa shirkii xilka laygu wareejiyay. Shirkaas waxaa ka soo qayb galay dhamaan wixii safaarado joogay Addisabeba iyo hayaddihii caalamiga aha ee joogay Ethiyoobiya ama ha ahaadaan qaramada midoobay, kuwii carabta ama kii afrikaanka ama kuwii kalaba. Waxa halkaas yimid raiisul wasaarha etiyoobiya oo 9 wasiir la socdeen. Ma jirin gobol sidaas loo weyneeyay. Waxaan halkaas ka sheegay hadalkii hal qabsiga noqday een idhi ? waxaa la ii dhiibay kursi aan miis lahayn. Wixii u horeeyay een qabano wuxuu ahaa kalfadhigii u horeeyay ee baarlamaanka oonu ku dhisnay wixii ay dowlad lahaan lahayd xaga sharciga waxaanu samaynay calankii , sumadii dowladda , dastuurkii, caasimadii ismaamulka oonu markii hore ka dhignay Diridhaba laakiin ay dowladda dhexe diiday oo tidhi idinka iyo Oromo ayaa isku haysta oo buuq baa ka dhalani. Magaalada labaad ee soo xigtay waxay ahayd Jigjiga taasna baarlamaanka intiisii badnayd ayaa diiday ka dib waxy noqotay Godey.

Suaal: Maxay ahaayeen caqabadihii u horeeyay eed la kulanteen markii aad la wareegteen maamulka gobolka?

Jawaab: oboladda kale ee ethiyoobiya waxay lahaayeen maamulo oo wax walba way haysteen, laakiin gobolka Soomaalida waxba ma jirin . Waxaa la ii dhiibay dhul madhan oon waxba oolin. Maxaan qabanaa meeshii waxaa jooga xerooyin milateri, shacabkii waa shacab qaawan , xataa meel aad fadhiisadid ma laha. Waxaan la kulmay raiisul wasaaraha oon ku idhi maxaad damacsan tihiin meel aanay waxba oolin ayaad noo dhiibteen. Wuxuu yidhi Addisabeba iga daba kaalaya. Markii aan aadnay Addisa abaeba waxaa etiyoobiya ka jiray 15 wasaaradood. Wasaarad kastaa waxay leedahay qayb gobolkeena metalaya. Waxay noqotay in wasaarad walba aan kala soo baxno qaybteenii oonu maamulkeenii hoos keeno. Etiyoobiyana waxaa jirta in maalin walba beri soo noqo lagu dhaho. Waxaan qoray warqad aan leeyahay wasaarada ismaamulku ha la soo wareegaan xilalkoodii. Badjadkii u horeeyay ee la na siiyay wuxuu ahaa lix melyan oo bir. Waad garan kartaa lix melyan oo bir in gobolkaas baaxadaas leh lagu dhiso waxay qaban karto. Markii aan weydiinaya arimaha gobolka dadka ka shaqaynaya imisa ayaa soomaali ah waxaa la na yidhi waa afar. Markaa caqabada u weyn waxay noqotay la waregidii xilka ee lagala wareegayay dowladda dhexe. Laba bilood ayay naga qaadatay in an xilalkaas la wareegno.

Suaal: Maxaa burburiyay dowladaadii?

Jawaab: Intii anu ku mashquulsaneen daba socodka iyo la wareegida xilalkii eenu addisabeba joognay ayaa la bilaabay dacaayada la leeyahay ninkii madaxweynaha laga dhigay Addis abebea ayuu iska jiifsday. Maxan hayaa oon ku jiifsaday. Ta kale aniga , madaxweyne kuxigeenka iyo xoghayaha waanu kala qaybsanay howshii oo xoghaya inuu fuliya oo uu soo saaro wixii lagu wadi lahaa dowladda , madaxweyne ku xigenkii waxaan u qaybinay in uu aado Godey oo maamulkii qabto, anigana in aan soo dhamaystiro la wareegida xilalkii dowladda dhexe ay u haysay gobelkeena. Markaa anaga qorshahayagu wuxuu ahaa in aan addis abeba ka dhamaysano waxeena oonan ku soo noqnoqonin. Markaa burburka dowladayda waxaa keenay

1- Waxaa bilaabmay tashwiish. Siday ku bilaabantay tashuushkaasi waxa weeye sida araktidaydu tahay . Waxaa jiray baarlamaanka fedraalka ee dwkmg ah waxaa la magacaabay dad Soomali ah oo afar ilaa shan ah iyo hal wasiir iyo laba wasiir ku xigeen. Ragaasi waxay metelayeen Soomalida. Ragaasi wa rag lagu magacaabay shirkii addis abeba ka dhacay oo EPRDF ayaa magacawday ee ma ahayn rag la soo doortay. Ka dib markii doorashadu dhacday wuxuu gobolku yeeshay baarlamaan uu shacabku soo doortay iyo maamul ay doorten baarlamaankaasi. Taasi waxay keentay in ay raagas ku jiray baarlamanaka fedraaliga ah iyo madaxda dowladdu ay arkeen in awoodoodii ay dhinmayso meeshana ka baxayso maadaama uu gobolku helay maamul si xaq ah lagu soo doortay. Sharciguna wuxu dhigayaa in maamulka ismaamulku uu si toos ula xidhiidhayo dowladda dhexe ama ha noqoto raiiusl wasaaraha ama madaxweynaha xiligii ay doonaan iyagoon cidna u sii maraynin. Nimankii awal metelayay Soomalaida ee arimaha Soomalaida lagala hadlayay meesha way ka baxeen oo anigu waxaan si toos ah ula xidhiidhay dowladda dhexe, sidda uu sharcigu dhigayay. Haddaba nimankii baarlamaanka dhexe ku jiray iyo wasiiradiiba waxay u arkeen in aan anigu iyaga danaynaynin. Markaa anoo maalin madaxweynihii la balansan ayaa markii aan u tegey waxaa xarunta qaabilaada fadhiyay Cabdi Majiid hadda wuu dhintay alaha ha u naxariisto iyo Cabdi Aaden oo ahaa wasiirka ku xigeenka caafimaadka. Waan isa salaanay waxay i dhaheen ma madaxweynaha ayaad la balanteen. Waxaan ku idhi haa, ka dibna waxay dhaheen maxaad noogu soo sheegi weydeen . Waxaan ku nidhi waayo maxaanu idiinku soo sheegaynaa . kulankii madaxweynahana waanu ka wada qayb qaadanay . Halkaasna waxay bilaabeen xamlad ay maamulkaykii ku qaadayaan. Nimankuna waa niman awood leh oo weliba lacag haysta oo muddo maamulka ku soo jiray. Asxaabna ku yeeshay dowladda dhexe iyo maamulka meesha ka taliya.

2. Waxaa isku xidhmay dhow dhalinyaro oo wasiir ah oo ismaamulka gobolka iyo nimankaas aan soo sheegay ee ku jiray dowladda dhexe.Waxan jirtay in aan samaynay meel hool ah oonu ku kulmi jirnay maalin kasta oo wasiir walba xil wareejintii halka ay u marayso iyo waxaan maalinta xigta aan qabanayno kaga hadli jirnay. Waxaa dhacday haddaba in dhowrkaas wasiir oo ahaa ONLF ay bilaaben in anaay imanain hoolkaas lagu kala war qaadanayo. Keliya markay caqabad ka hor timaado ayay ii imanayeen oon u raacayay si anau u soo xalino. Waxay bilaabeen in iyagu shirar gooni ah ay galaan. Mid ka mid ah wasiiro ku xigeenada dowladda dhexe gurigiisa ayaa lagu soo qayilaa oo lagu kulmaa. Qorshaha anaga noo dejisnaa wuxuu ahaa in marka wasiir ay xilwareejintu u soo dhamaato inuu baxo. Waxa dhacday in raga qaarkood aanay bixin. Halkaasna waxaa ka bilaabmay dhaqdhaqaaq hoose. Waxaa la bilaabay in la dhaho waxaan dhisaynaa dowladd loo dhan yahay ninkan waan ridaynaa.

3. Kooxdii ONLF ahayd ee la shaqeynaysay kooxda dowladda dhexe ku jiray waxay is tuseen in qabka keliya ee la igu ridi karo uu yahay in loo yeedho guddoomiyihii jabhadda ONLF Sheekh Ibraahim oo Dubay joogay. Sheekha ayaa lala xidhiidhay waxaana lagu yidhi waxaa la rabaa in dowladda la idin hadal siiyo , ninkii madaxweynaha gobolka loo dhiibayna nin diktator ah ayuu noqday xataa sida laygu yidhi waxa sheekha lagu yidhi ninkii dowladdana qabsay, awoodna yeelay , waana nin caan ah oo ka mid ah aasaasayaashii jabhadda haddana wuxuu damacsan yahay inuu maamulka jabhaddana uu la wareego. Calaa kuli xaal sheikh Ibraahim wuxuu yimid godey mana uusan hubsanin wararkii loo sheegayay. Waanu kulanay wuxuuna igu yidhi waxbaa lagaa sheegay , arimo badan ayaa jira., Waxbuu sheegsheegay. Waxaan weydiiyay sida uu isagu xalka u arko, wuxuuna iigu jawaabay xukunka ka deg. Waxaan ku idhi maqal ? meeshan dal baanu dhisnay , umadd baa na sugaysa , adiguna waad maqnayd anagoo banaan fadhina ayaad naga tagtay. Maantana waxaad soo noqotay meel uu ka jiro nidaam iyo maamul, aanu wada tashano oo si fiican u sheegaysano?. Shekh Ibraahim muusan aqbalin hadaladaydii wuxuu noqday nin wixii tlf loogu sheegay ay maskaxdiisa ku jirto. Xarunta ONLF waxay ku taalay Gerigo?an oo ay joogeen madaxdii sii haysay hawsha ONLF. Markaa shekh Ibraahim ma uusan tegin xaruntii oo uu muddada ka maqnaa lamuna soo tashanin. Xaruntu warqad bay soo direen ay leeyihiin tashuushka ha la daayo madaxda jabhadduna dhamaantood ha yimaadaan xarunta si loo tashado. Taasna ma dhicin. Ee maalin walba Godey buu kula kulmayaa wixii mucaarad ku ahaa dowladayda.

4. Waxaa bilaabmay kalfadhigii labad ee baarlamaanka Gobolka Waxay Cabdi Majiid iyo Cabdi Aaden ay wadeen abaabul sidii kulankas layga takhalusi lahaa iyagoo markaa qaar baarlamaankii gacanta ku dhigay. Waxay soo kaxeeyeen dhamaan dadkii joogay Addisabeba , diridhabo oo ay baabuur ku soo daad gureeyeen oo Godey la keenay. Laakiin labadoodu ma aynan iman Godey ee waxay fadhiisteen Diridhabo waxayse si toos ula soo xidhiidhayeen laba nin oo joogey godey wasiirona ka ahaa ismaamulka gobolka kana mid ahaa guddiga fulintana.

5. Waxaa dhacday haddaba in 11 ONLF ah oo ka mid aha guddiga fulinta ay is casileen si dowladdu u burburto. Waxaa faks loo diray dowladdii dhexe ( Madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha) oo la yidhi baarlamaanka Soomaalidu wuu is dilayaa buuq baa ka jira ee degdeg ha loo soo gaadho. Waxaa la soo diray guddigii abaabulka doorashooyinka oo uu hogaaminayo Daut johans iyo Cabdi Casiis . Waxaan weydiiyay sababtay u yimaadeen waxayna ii sheegeen in lala soo xidhiidhay loona sheegay in buuq weyn uu ka jiro baarlamaankii gobolka. Guddigaasi waxay ka soo qaybgaleen kalfadhigii oo socda oo 11 ONLF ay banaanka taagan tahay intii galena ay shirkii ku jirto. Halkaas waxaa la soo jeediyay in 11 is casishay la bedelo. Markaan arkay sida wax u dhacayaan oo xataa dad magaalada degen ay mudaharaad ay dhigeen ay leeyihiin ha na dhaafo maamulkani in kastoo ay ahaayen dad yar , waxaan maalintii dambe u sheegay kalfadhigii in aan is casilay.

Suaal: Muddo ka dib waa lagu xidhay maxaa lagugu xidhay?

Jawaab: Anagu waxaan ka tegey maamulka bishii Agust. Bishii Oktoobarna waa lay xidhay iyadoo xidhistayda ay ka dambeeyeen kooxdii aan isku kacsnayn iyo raiisul wasaaraha Tamaraan. Iyadoo laygu eedeeyay in aan maal lunsaday, oon sonkor qaaday. Maxkamad intii la igeeyay layma odhanin dembigaas aya lagugu haystaa. Hay\'addihii iigu yimid intii aan xidhnaa sida laanqayrta cas , Human watch iyo kuwii kaleba waxay ii sheegeen in ay soo baadheen kiiskayga arimo siyaasadeedna aan u xidhanahay. Maalintii dambe intii lay yimid ayaa la yidhi waan ku sii daynaay. Markii aan soo baxay ayaa waxaan u imid dagaal la iclaamiyay ragii aniga iga takhalusay oo banaanka taagan oon waxba haynin, Cabdimajiid oo urur samaystay.

Suaal: Maxaad samaysay ka dib markii aad banaanka u soo baxday eed aragtay xaaladaas aad hadda sheegtay?.

Jawaab: Markaan soo baxay een arkay kooxihii markii hore wada socday oo iska soo wada horjeeda dadkii oo kala daasan, ONLF oo dagaal iclaamisay Waxaa bilaabmay wada tashi waxaana la isla gartay in la abaabulay kulan dhex mara ONLF iyo EPRDF oo ka dhaca Qabridaahre. EPRDF way ogolaatay. Xisbiga Cabdi Majiidna xiligaas iyada ah weli ma uusan xoogaysan oo awood badan ma laahyn. Iyadoo lagu jiro diyaargarowgii kulan dhex mara ONLF iyo EPRDF oo odoyaashuna ka soo qayb galaan ayaa waxaa yimid nin deegaankana u dhashay dowladii siyaad barena xiliyadii u dambeeyay wasiir ka ahaa . Waxay isla markiiba isku xidheen Cabdi Majiid wuxuuna heshiisiiyay CabdiMajiid iyo alaha ha u naxariistee Majeerteen oo markaan ka soo baxay jeelka isku dhacsanaa. Marxuumka Majeerteena wuxuu taagnaa mar kasta WSLF ayaa xaq u leh oo wuu ka fogaa ONLF. Waxaa jiray xiligaas odoyaal sagaal ahaa oo jigjiga ku sugnaa oo nala wedey qorshaha abaabulka kulanka . Markiiba odoyaashii uunbaa la soo kaxeeyay oo lagu yidhi madaxweynaha ayaa idinla kulmaya. Odoyaashii oo Addis abeba jooga uun banau aragnay. Waxaan weydiinay maxaad soo doonteen. Waxay dheheen qorshihii aan wednay ayanu u nimid miyaydaan idinku noo yeedhin. Waxaanu u sheegnay in aanu anagu u yeedhin welina aanu ku guddo jirno qaabkii uu kulanku u dhici lahaa. Cabdimajiid iyo kooxdiisii cusbayd odoyaashii hoteelo ayay dejiyeen waxayna u tageen madaxweynihii oo ay u sheegeen in odoyaashii Ogaaden ay joogaan Addis abeba oo ay rabaan in ay la kulmaan madaxweynaha.. Markaa madaxweynahana waxaa loo sheegay in odoyaashu ay rabaan in ay la kulmaan, odoyaashana waxa loo sheegay in madaxweynuhu rabo in uu la kulmo. Odoyaashii sidii baa madaxweynihii loogu geeyay isagoo uu Cabdi Majiid hor kacayo. Qaabkaas ayaan loo afduubay shirkii la rabay inuu qabradahare ka dhaco. Waxaa yimid shirkaas qaar ka tirsan ONLF kuwii xidhka ku jiray. Koox kalena waxay ku dhawaaqday in ONLF cusub. Xisbigii Cabdi Majiidna wuxuu noqday xisbi xoog badan.


Suaal: Anagoo jecel inaad soo goobtid dagaalkaas ONLF iclaamisay ma ahaa dagaal haboonaa in lagu dhawaaqo, mase loo wada dhanaa?

Jawab: Koley anigu xabsiga ayaan ku jiray markii lagu dhawaaqay , khaladaadka u weyn eenu geleyno waxay weeyeen in marka ay dhibaato inagu dhacdo inaan ka cararno wadankeena. Mana aha in wadankaaga aad uga carartid dhibaato daraadeed. Dowladdii gobolkana ururka ayaa burburiyay. Shalayna looma dayaar garobin dalka markii la qabanayay oo waa anigii horey u sheegay is burintii dhacaysay , shacabkuna dayaar uma ahayn dagaalkaas la iclaamiyay. Shalay dagaalka banaanka ayaa laga soo abaabulayay maanta wadanka ayaa la joogaa waxaa is weydiin leh shacabka ma lagala tashaday arintaas. Xataa jabhaddu uma wada dhanayn iclaaminta dagaalka oo koox uun baa ku dhawaaqday.

Isbdel baa ku yimid jabhadii maamulkeedii oo Maxamed Cumar Cismaan ayaa loo dhiibay isbdelkaasi muxuu kuula muuqdaa?

Suaal: Sheekh Ibraahim siduu u iclaamiyay dagaalka kuma noqonin wadankii. Ninkii ku xigeenka u ahaa Dhiiranene wuu ka soo baxay . Madaxdu ma dhex joogaan umaddii oo ma arkayaan waxa dhacaya iyo sida ay wax u dhacayaan. Shacabku markaa ma arko madax baraarujisa oo war gelisa oo la qaybsata dhibaatada Waxaa uun joogo dhalinyaro dagaalamaysa, madaxdina nin walba naftiisii ayuu la soo cararay. Taasi waxay keentay in la dhaliilo hogaankii jabhadda ugu dambayntiina 1998 in shir la qabto. Shirkaas ma ahayn shir la iclaamiyay ee wuxuu ahaa shir ay dad gaar ihi soo qabanqaabiyeen. Qaarna ay markaas ayaaba ugu horeysay wadanka sidii uu isbedelku uga dhacay Ethiyoobiya. Sheekh Ibraahim culays baa la saaray shirkana garab taabasho ayaa lagu tegey.

Suaal: Maxamed Cumar Cismaan waxba kama bedelin siyaasadii xabadda ahayd , sideed u aragtaa siyaasada xabada ah ee socota?

Jawaab: Kulankii aan la yeeshay Maxamed Cumar Cusmaan bishii Janaayo waxaa na dhex martay dood dheer, waxaana ka mid ahaa doodayadii Maxamed Cumarow xal ma u aragtaa sida uu halganku hadda ku socdo. Wuxuu iigu jawaabay maya , xal laguma gaadhi karo sidan. Waxaan ku idhi haddii aad u aragtid in aan xal lagu gaadhi Karin sidan maxaad ugu socotaa . Wuxuu yidhi xabadii uu bilaabay sheekh ibraahim ee wadanka geliyay ayaa weli socota ee anigu ma bilaabin. Waxaan ku idhi wuxuu shalay bilaabay qof haddii aad u aragtid in aany soconaynin in aad bedeshid soo ma aha. Waxaanu ku wada hadalnay in la qabto shir weyne guud oo looga arinsato xaalada haatan aynu ku jirno.


Suaal: Waxaa jiray in golaha dhexe kulan ku yeeshay Ereteriya muxuu ku saabsanaa kulankaas?

Jawaab: Koley waxaa jirta intii is dooratay ee maamulka jabhadda ahayd in khilaaf soo kala dhex galay oo colaad mel xun gaadhay ay isu qaadeen . Shirkaasina wuxuu ahaa mid ay ku xalinayaan khilaafkooda. Waxaase la yaab leh ururku wuxuu lahaa dustuur, ma garanayo in dastuurka la iska dhigayo dhinac oo wixii la doona la samaynayo waxaa dhacday in la dhaho golihii dhexe waanu kordhinay oo iyadoon doorasho dhicin rag la iska magacaabo. Waxaase nasiib daro ah waxaan kula taliyay Maxamed Cumar Cismaan in ururka uu gacantiisa ku burburin oo taariikhda aanay u gelin. Ururkii wuu sii socdaa, umadiina si xun bay u socotaa, ee umaddii ku soo celi ama adi ha ku doortaan ama qofkii kale ee ay doonaanee soo dhex dhig oo sida ay wax u jiraana si fiican ha looga wada hadlo, waxani wa umad aayaheed. Waxaa urur la hayn karaa haddii mujtamaca uu ururkaasi metelayo la dhex joogo oo madaxdee la arkayo, lala sheekaysanayo, oo dhibaadatada haysata la arkayo lalana qaybsanayo, laakiin urur madaxdiisa oo dhan Yurub , Ameerika iyo Austraaliya joogaan in ay dhahaan ururka sidaanu doono ka yeelaynaa wax soconayo ma aha.

Suaal: Ka waran aragtida odhanaysa xalku wuxuu ku jira in Etiyoobiya lala heshiiyo ?

Jawaab: 100 sano ayaan maalin walba kufaynay. Aniga aragtidayda in aan khaldanahayna way dhici kartaa laakiin araktidayda Cabdullaahi Maxamed Sacdi sidaan hadda ku socono meel aynu ku gaadhayno ma jirto. Xaqiiqda haddii aynu isu sheegaynana shacabku ma dagaalamayo. Haa koox iyo dhalinyaro dagaalamysaa way jirtaa laakiin waa dhalinyaro ay hogaankii o dhana dibada kaga maqan tahay. Sidaas daraadeed salaadba siday kuu qabato ayaa lagu tukaddaa. Waxaana jira gobolo soomalaiyeed oo raba in dhibaatada ku jiro shacbka inay ka faaiidaystaan hadday noqoto xag siyaasadeed iyo xaga dhaqaalaba. Waxay iila muuqataa aniga markaas in qadiyadan shacabkii iska lahaa la soo dhex dhigo oo iyaga la dhaho ka tashada. Shacabkuna intooda badan hadda ma rabaan xabad.
Duruufta aan ku jirno maanta iyo haddii aan ka naxayno shacabkeena aan maanta badbaadino.

Suaal: Waxaa jirta in guddoomiya kasta la dhaliilayo, Sheekh Ibraahim waa la dhaliilayay oo marna waxaa la laahaa waa nin carabaha iska fadhiya , marna waxaa la lahaa waa nin jilicsan , burburkii dowladaada ayaa lagu dhaliilayay , Maxamed Cumar Cusmaan waa tan la dhaliilayee adiguba aad dhaliilaysid maxaa markaas keenay in hogaamiyeha kasta la dhaliilo?

Jawaab: Suaashani waxay la xidhiidhaa sua'aashii aad horey ii weydiisay e ahayd muxuu mar walba ururku u burburaa oo mid cusubi u yimaadaa. Waaxas e isweydiin leh waxaan wax loo doonayaa ma shakhsi baa wax loo doonayaa mise umad. Haddii mujtamicii uusan waxii ku dhex jirin oo rag koox ah ay waxay rabaan gaadhayaan oo ku xidhnayn guddihii iyo mujtamacii. Damcan wixii ma soconayo. Haddii ninkii qadiyad wax ku leh uu wax sheego waxaa lagu dhejinayaa shaambad, amxaaradaa wadata oo uu u shaqaynayaa , waa daba qoodhi iwm inksatoo hadda ayba iska soo dhamaatay arimahasi.

Suaal: Maamulka hadda haya jabhadda ma waxaad u aragtaa urur kooxeed ?

Jawaab: Haa, Tusaale ahaan hadda waxay qabteen shir golaha dhexe ugu yeedheen. Shirkaas meesha ay ku qabteen yaa tegi kara. Nin lacag haysta uun baa tegi kara . Way ku qabsan karayeen meelaha dadkoodu ka dhow yahay . Dhulkoodii ayay ku qabsan karayeen. Waxay ku tusinaysaa in aanay ku kalsoonayn dhulkoodii oo aanay tegi karin. Haddii aad adigiiba ka baqanaysid oodan tegi karin maxaad dadka ugu jebinaysaa. Ma dhici karta inaan iska indha tirno xaqiiqda dhabta ah ee haysata halganka. Ta kale xageed ku aragtid shirweyne lala dhuumanayo oo la qarinayao. Markay jabhadduhu qabanayaan kongres aduunweynaha ayaa la ogeysiiyaa oo warbaahinta ayaa la martiqaadaa oo meesha shirku ka dhacayo loogu yeedhaa. Saxiibo ajnabi ah ayaa loo yeedhaa si ay u arkaan umadan oo ka hadlaysa masiirkeeda. aaway aduunkiiii aad rabtay inaad wax ka dhaadhicisid.

Suaal : Ugu dambayntii waxaa igu maqaalo ah inaad qoreysid buug muxuu ku saabsan yahay ?

Jawaab: Runtii muddo dheer ayaan soo wedey buugan. Markii horena Ingiriis ayaan ku bilaabay. Ka dibna waxaa laygula teliyay in aan Soomaali ku qor. Waxaanan kaga hadlayaa muddadii aan halgankan ku jiray wixii aan la kulmay, halgankan wixii uu soo maray, talooyin ku saabsam shacabkan iyo arimo fara badan oo halgankan ku saabsan.

Suaal: Buugan magacii?

Jawaab: Koley dhowr magac ayaan hayaa welise ma aanan qaadanin haal magac.

Waad mahadsantahay Cabdullaahi waraysigaa dheer eed na siisay.



Abdullaahi Maxamed Sacdi: idinkaa mudan.

Ka dib waraysigan waxaa isbedelo badani ka dhaceen deegaanka Soomaalida (Ogaden) xaalada gobolkuna waxay gashay marxalad adag ?













Dhamaan sawirada dusha waa 1993 waana guddiga fulunta ee kilalka 1993, doorahsadii madaxweynaha , soo dhaweyntii baarlamaanka , xafladii caleemo saarka ... waxaan kaoo hanaa cajalado vedeo ah iyo sawiro dheeraad ah oon soo gelin doono haddii ilaahay yidhaahdo..


Halkan waxan ku soo gdubinayna sawiro anagoo qaar kalena soo wada :


?.

Article V1
URL: http://somalitribune.com/modules/article/view.article.php/c1/22