Waa kuma Yuusf Xassan Indha gamuun , taariikhdiisa iyo ujoodooyinkiisa. Ka qayb qaado oo taager sidii uu ku soo bixi lahaa qaabkeese ayaad u taageeri kartaa ..
Summary: Waa kuma Yuusf Xassan Indha gamuun , taariikhdiisa iyo ujoodooyinkiisa. Ka qayb qaado oo taager sidii uu ku soo bixi lahaa qaabkeese ayaad u taageeri kartaa ..
Xaafada Eastlee waa xaafad ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaaliyeed , waxaana ku yaala ganacsi fara badan. waa xaafad aad u burbursan oo aan cidina hagaajinin.
Ninka hadda baarlamanaka u matala xaafada ma aha nin wax ka qabta xaalada qalafsan e ay degmadu ku sugan tahay, xataa ma aha nin intuu yimaado xaafada ama fadhiistaba wax ka ogaada xaaladeeda.
Marna ma dhicin in nin Soomaali ah in uu ku soo baxo doorashada uuna matalo degmada.
Waxaa sanadkan u taagan doorashada Yuusf Xassan indha gamoon oo ah ruug cadaa siyaasi iyo saxafiba ah. Waa nin hadii uu soo galo baarlamaanka wax weyn ka bedeli kara xaafada . waa nin khibrad mamaul oo caalami ah wata.
Wuxuu markii hore u istaagay xisbiga ODM taasoo uu ku guulaystay hase yeeshee tikidhkii la siiyay musharax kale.
Wuxuu hadda u taagan yahay xisbiga ODM-Kenya. Waa nin ay shacabka u baahan yihiin , isagaa shakhsi ahaan wa nin manata ana u baahnayn magac iyo dhaqaale toona eeg taariikhdiisa oo kooban hoos.
Inuu u istaago doorashada baarlamaankana waxaa u soo bandhigay dad Soomaaliyeed oo arkay khatarda ay yeelan karto hadii uusan ka soo bixin Eastlee nin soomaliyeed oo leh karti iyo khibrad.
Waxaa hadda lagu jiraa diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashada oo dhacaysa taarikh 27/12/07.
Waxaad ku caawin kartaa inaad u codaysid haddii aad tahay muwaadin Keenyaati ah, waxaad ku caawin kartaa dhaqaale ahaan maadaama doorasho kastaa iyo diyaar garowgeedu u baahantahay dhaqaale aad u fara badan, waxaad kalood ku caawin kartaa talo, waxada kaloo ku caawin kartaa inaad ka qayb qaadatid abaabulka iyo ka qayb galka shirarka.
Waxaa jira guddi abaabul oo metela doorashooyinka Yuusf Xassan.
Waxaan dib ka soo sheeki doonaa gudiyadan iyo tlf. ha sugin ilaa maalinta u dambaysa ee hadda ka qayb qaado sidii uu Yuusuf u soo bixi lahaa
booqo bogga Yuusf Xassan ood ka helaysid warbixino badan iyo sawiro.
www.y4k2007.comWaxaan hoos ku qoraynaa taariikha Yuusuf Xassan si aad adiguba u araktid recordkiisa.
Yuusuf Xassan Wuxxuu ahaa siyaasi iyo weriye noloshiisa inteeda badan ku soo jiray halganka u dagaalanka xuquuda iyo cadaalada, wuxuuna siyaasada ku galay da? yar , waxay reerkoodu ka soo qaxeen dagaladii ka socday NFD lixdameedyadii waxayna u qaxeen wadanka deriska ah Tanzaaniya.
1972 waxaa yuuusf laga caadhiyay skoolkii uu dhiganayay ka dib markii u hor kacay mudaharaad ay dhigayeen arday.
Mudadii uu dhiganayay jaamicada wuxuu la kulmay arday iyo macalimiin ka soo horjeeda cadaadiska iyo cabudhinta ay dowladda Kenya ku haysay shacabka.
1977 ayuu ka cararay wadanka ka dib markii la xidhay siyaasiyiin ree Kenyaati ah.
1978 ayuu Yuuusf dib ugu soo noqday Kenya , wax yarse ka dib wuxuu u dhoofay Ingiriiska oo uu BBC uga soo warami jiray.
1982 Ka dib markii ay badatay xidhidii iyo cabudhintii dowladda madaxweyne Moi ay ku haysay shacabka kenya isla markaana ay badatay xidhxidhistii siyaasiyiinta ayaa waxaa london lagag dhawaaqay guddiga sii daynta maxaabiista siyaasiyiinta ee Kenya. Waxaa gudigaas madax u noqday Yuusf Xassan oo ka mid ahaa aasaasayaashii guddigaas.
1987 dadka reer Keenyaatiga ah ee ku nool dibadda ayaa isugu yimid London isla markaana aasaasay ururka United Movement for Kenyan Patriots (Ukenya). Yusuf ayaana loo doortay guddoomiyaha ururkaas. Arintani waxay keentay in Yuusf aabihii Xassan Nuur xabsiga la dhigo , baasaboorkiin laga qaado.
Yuusuf Xassan wuxuu aha weriye , joornaaliiste iyo tafatire caalami ah isagoo ka so warami jiray Afrika iyo bariga dhexe. Wuxuu u soo shaqeeyay BBC isagoo marki horena ahaa weriye markii dambena noqday Tafatire.
Yuusf Xassan iyo koox ay saaxiibo yihiin waxay sameeyeen Wargeyska African Events oo uu Yuusf Tafatire ka noqday.
1990 wuxuu hogaaminayay guddi masuul ka ahayd in ay idaacada iyo telefiishanka dawlada Naamiibiya dib u habayn ku samayso ka dib markii Naamiibiya ay qaadatay xornimadeeda. Wuxuuna ka mid ahaa kooxdii khubarada ahayd ee dejisay siyaasad cusub ee warbaahinta ee dowladii cusbayd ee xornimada qaadatay wadankaas Namiibiya .
1999 -2001. Yusuf wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay Southern Africa, Angola, Mozambique. Wuxuuna ahaa ahaa xidhiidhiyaha barnaamijkii dib u celinta in ka badan 1.7 melyan qoxootigii reer Misaambiig oo laga soo celinayay wadamada deriska la ah Mozambic oo kala ahaa , Malawi, South Africa, Tanzania, Zambia and Zimbabwe.
2000 ilaa 2006 Yusuf Hassan wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tiirsan shaqaalaha xarunta qaramada midoobay ee New york xafiiska hayada qoxootiga isagoo ahaa la taliye xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo qaybaha kale ee qaramada midoobay kalana taliya arimaha qoxootiga.
November 2001 - August 2002, wuxuu ahaa madaxa afhayeenka qaramada midoobay ee wadanka Afqanistaan wuxuu kaloo ahaa madaxa xafiiska warbaahinta ee qaramada midoobay ee wadamada badhtamaha aasiya iyo koonfur galbeed , xaruntiisuna waxay ahayd islamabad. Waxaana soo hos galayay wadamada Afqanistaan, Iran, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Pakistan, Tajikistan, Turkmenistan and Uzbekista.
2006 - 2007 wuxuu u shaqaynayay IRIN waxayna xaruntiisu ahayd Nayrobi.
Yuusuf wuxuu wax ku soo bartay wadamada Kenya , Tansaaniya iyo jaamicadaha Middlesex iyo London ee wadanka UK.