Article V1

Warbixin ku saabsan ku noolaashaha Emaaraadka

Category: Dhaqaalaha
Author: html
Date: 2007/5/31
Warbixin ku saabsan u soo guuirda Imaaraadka, maceeshada, kirada guryaha, waxbarashada , caafimaadka iyo macluumaad kale oo badan.
Summary: Warbixin ku saabsan u soo guuirda Imaaraadka, maceeshada, kirada guryaha, waxbarashada , caafimaadka iyo macluumaad kale oo badan.

Wadanka isu Midowga Emaaraadka Carabta

?

Ma waxad rabtaa inaad u soo guurtid Emaaraadka ama aad ku noolaatid ? maxay kuugu kacaysaa ku noolaashaha emaaraadka ? jawaabta waxad ka helaysaa warbixintan aan ku eegayno Emaaradaka , noloshiisa , guryahiisa, waxbarashadiisa, gaadiidkiisa, caafimaadkiisa iwm.

?

Wadanka midowga emaaraadka ?Carabta waxuu ka kooban yahay 7 emaaradood oo isu tegey oo midoobay. Waxayna kala yihiin:

?

1-Abu Dubai oo ah Caasimada

2- Dubai oo ah xarunta ganacsiga

3-Shaariqa

4-Cajmaan

5-Umul Quween

6-Raysul Khayma

7-Fujeeyra

?

Saddexda emaaradood ee Dubai, Shaariqa iyo Cajmaan way isa saaranyihiin oo dhul banaan uma dhexeeyo. Saddexda emaaradood waxaa ugu jaban Cajmaan sidaas daraadeed dad aad u badan ayaa degen Cajmaan oo u shaqa tagaan Dubai.

?

Nolosha emaaradaha sida kale waa isugu mid waxay ku kala duwan yihiin uun kirada guryaha iyo adeega bulshada sida beeraha (xadiiqooyinka iyo bilicda magaalada). Waxaan haddaba warbixintan ?ku eegaynaa magaalada Cajmaan. Anagoo gadaalna ka sheegi doono Raysal Khayma.

?

Emaarada Cajmaan

Emaarada Cajmaan waa tan ugu raqiisan saddexda emaaradood ee isa saaran ee kala ah Dubai, Shaariqa iyo Cajmaan. Cajmaan iyo shaariqa xad ayay leeyihiin. Cajmaan ilaa dubai waxay isku jiraan 14 kmt waxaana loo kal socdaa 30 daqiiqo xiliga aan saxmadu jirin. Xiliyada aroortii iyo habeenkii saxmad aad u badan ayaa jirta waxaana mararka qaarkood loo kala socdaa saacad iyo ka badan. Waxaan halkan ku soo koobaynaa nolosha cajmaan xaga guryaha, waxbarashada, caafimaadka, gaadiidka iyo wixii kale ee faahfahain ah.

?

Imisay igu kacaysaa inaan ku noolaado Cajmaan? Waxay ku xidhan tahay gurigaad degeysid inta qol ee uu yaahy , inuu cusub yahay iyo in kale, isticmaalka korontada, shaqaale inaad u baahantahay iyo in kale, caafimaadka reerku sida uu noqdo iyo qiimaha waxbarashada caruurta, inta qof ee qoysku ka kooban yahay. Hase yeeshee sida dhexdhexaadka ah waxaad ku xisaabtantaa inta u dhaxaysa 1400 ilaa 2000 doolar bishii, oo aanay ku jirin waxbarashada caruurtu.

?

Waxaan halkan ku eegaynaa inta ay ku kacayso inaad ku noolaato Cajmaa. Waxaanu ku falaqayn doonaa kirada guriga, korontada, caafimaadka, waxbarashada, gaadiidka, shaqaalaha , cuntada iyo wm.

?

?

Kirada Guryaha

?

Kirada Guriga? ee magaalooyinka Dubai, Shaariqa iyo Cajmaan:

Kiradada guryaha waxaa ugu qaalisan Dubai waxa ku xiga Shaariqa waxaana ugu raqiisan Cajmaan.

?

Kirada Guryaha waxay ku xidhan yihiin inta qol ee uu gurigu ka kooban yahay, cusaybka? guriga iyo qaboojiyaha inuu yahay mid sentral ah iyo in kale. Qaboojiyaha kan sentraalku wuu ka fiican yahay kan caadiga ah waayo qaylo ma laha isla markaana si fiican baad u kantrooli kartaa oo? kolba qaboowga aad rabtid ayaad guriga ku soo dayni. Halka kan caadiga ah uu guux badan yahay isla markaana kontroolkiisu uu xadidan yahay.

?

Guryaha Cusub Cajmaan ?Labada qol ?ee hurdada ah iyo fadhi? kiradoodu waxay u dhaxaysaa bishii 3000 ilaa? 3600 kr. ?Guryaha duuga een cusbayn waxay u dhaxaysaa? 1800 ilaa 2200 Dirham.

?

Guryaha duuga ama kiradoodu jaban tahay waxa la bixiyaa fure oo qofka ka guuraya wuxuu rabaa fure.? Furahaasina wax go,an ma aha ee ?waa sidaad ?kolba u heshiisaan.

?

Xagee laga kiraystaa Guryaha:

Guryaha qaarna waxaa kireeya shirkado oo khidmad? 1500 ilaa 3000 Dirham kaa qaadanaya. Qaarna qof degen oo ka guuraya ayaad raadinaysaa kaasoo kugu wareejinaya caqdiga guriga.

?

Biilka Korontada iyo Biyaha

Biilka korontada iyo biyaha? waxay ku xidhan tahay dabcan sidaad u isticmaashid. Xiliyada ay aad u kulushay bilaha Juun, Julaay , Ogost iyo weliba September waxaa ad loo isticmaalaa qaboojiyaha guryaha. Oo bilaha qaarkood afar iyo labaatanka saacadood way shidan yihiin.? Sidaan kor ku soo sheegnayna guryaha qaarkood waxay leeyihiin qaboojiye sentraal ah , qaarna waa qaboojiye caadi ah.?? Haddaba biilka korontada iyo biyaha waxaad ku xisaabtantaa bishii 300 ilaa 500 doolar.

?

Biilka cuntada

Biilka noloshada wuxuu ku xidhan yahay tirada qoyska, nooca cuntada , nooca sharaabka , waanse isku dayaynaa inaan halkan idiinku soo gudbino qiimaha rashinka aasaasiga ah. Qoyska ka kooban 7 qof ee ka yimid Yurub isla markaana raba in ay u noolaadaan qaabkii ay ugu noolaayen reer galbeedka waxay ku xisaabtamayaan? 800 ilaa 1000 door bishii. Qoyska ka yimid Afrika ee ka kooban 7 qof wuxuu ku xisaabtami qiyaastii 400 ilaa 500 doolar. Waa adag tahay in la shego qoys walba inta ku baxaysa. Hoos ka eeg qiimaha raashinka ee suuqyada tafariiqda. Haddii qofku uu jimlo wax ku iibsado way ka raqiisnaanaysaa.

?

Waxbarashada

?

Waxbarshada waa laba nidaam. Nidaam luqada carabiga ah iyo nidaam luqada Ingiriiska ah. Waxbarshada waxaa bixiya skuulada Dowladda iyo kuwa khaaska loo leeyahay (privete). Dadka ajaaniibta waxay caruurtooda geeystaan kuwa gaarka loo leeyahay.?

?

Waxbarashada Ingiriiska ku salaysan waxay u kala qaybsan yihiin laba qaybood:

1-Indian Skools

2-Skoolo carabi leedahay oo manhaj ingiriis ah.

3- Iskoolaad wata magacyada reer galbeedka

?

Inkastoo manhajku isku mid yahay haddana qiimaha aad ayay u kala duwan yihiin. Qiimuhuna wuxuu u dhaxeeyaa 1000 ilaa 6000 ?Doolar sanadkii halkii ilmo. Kala duwanaashaha qiimaha waxa keenaya nooca skoolka iyo magaca uu wataa. Ma Indian skoolbaa , ma skool wata magacyada reer galbeedkaa? sida American school, British Skool, Oxford iwm.

?

Waxaa kaloo xusid mudan in ay jiran skoolaad ay maamulaan hayado samafal ah oo waxbarashadoodu ay bilaash yihiin.

?

Waxbarashada diiniga ah:

Waxaa jira skoolo ay manaahijtoodu ku salaysan tahay diinta islaamka. Manaahijtana waa mid ay wasaarada waxbarashada ee imaaraadku ay go,aamiso. Waxaase jira xarumo lagu barto taxfiidul quraanka oo bilaash ah iyo kuwo lacag aad u yar la bixiyo.

?

?

Shaqaalaha

Shaqaalaha la qabsadaa ee Soomalaida waxy qaataan inta u dhaxaysa 600 ilaa 700. Maalmaha jimcaha intooda badan fasax ayay qaataan.

?

Gaadiidka.

Gaadiidka keliya ee la isticmaalaa Cajmaan guddeheeda waa taxi.? Cajmaan hadda ka hor ma lahayn takaasida saacada ku shaqeeya ee waxay lahayd taxi lala gorgortamo. Meelaha dhowdhow ee magaalada qiimaha taxi waa 3 dirham meelaha fogfogna waa 7 dirham. Ma aha lacag go?an ee waa inta badan inta ay qaataan laakiin waa lala gorgortamaa. Haddase waxaa ku soo kordhay takaasida saacadaa ku socda.? Shaariqa ama Dubai waxa jira basas ka shaqeeya lakaiin waqtiyada ay baxaan aysan badnayn. Waxase jira Takaasi la wadaago oo qofkiiba uu bixiyo 10 Dirham haddii uu u socdo Duba, haddii Shaariqa uu u socdana waa 3 ama 4 Dirham.

?

?

Caafimaadka:

Emaaraadka waa meel jawigeedu anau fiicnayn oo xiliyada qaarkoodna ay aad u kulushahay xiliyada qaarkoodna Qabow qaab daran ay leedahay. Cudurada durayga, mataga? iwm aad ayuu ugu badan yahay.

?

Aragtida dhakhtarka iyo seexashada isbitaaladu bilaash ma aha oo waxaa laga qaadi lacag. Waxay leedahay xarumo caafimaad iyo isbitaalo waaweyn intaba. Qiimaha Aragtida dhakhtarka way kala duwan yihiin dhaakhiirta qaarkood waxay qaataan 35 Dirham , qar 50, 80, 150, 200 ,300 intaba.

Badanaa dhakhaatiirta waxay dadka u qoraan daawooyin badan oo anti Biotik ku jirto. Waxaa xusid mudan in wadamada reer Galbeedka qaarkood ay naadir tahay ?in qofka xanuunsanayo la siiyo Antibiotek.? Laakiin Emaaraadka way fududahay in dhakhtarku kuu qoro.

?

?

?

Dharka ,Alaabta Guryaha, Kabaha iwm

Emaaraadka waxa aad ugu badan alaabta ama dharka lagu sameeyo china , India iyo guud ahan Eeshiya oo raqiis ah . Haddii aad damacdid inaad iibsato dharka quality leh ama dharka shirkadaha magaca leh ay sameeyeen raqiis ma aha.?

?

Qalabka electroonikada:

Qalabka electroonikadu wuu ku jaban yahay Emaraadka.

?

Goobo ay ciyaalku ku cayaaraan

Waxaa xusid mudan in guryaha ama shuqooyinka aanay lahayn meelo ay caruurtu ku cayaarto laagumana tala gelin. Sidaas daraadeed caruur badan oo ka soo guurtay meelo ka mid ah reer galbeedka waxay daremaan xabsi.

?

Waxaa jira xadiiqooyin la geyo caruurta oo ay ku cayaaraan. Magaalada Cajman kuma badna xadiiqooyinkaasi. Magaalada Shaariqa ayay aad ugu badan yihiin.

?

Waxaa kaloo caruurta la geeyaa badda oo lagu ciyaarsiiyaa.

?

warbixintan waxaa diyaariyay Cabdiraxmaan?
? abdiwarfa@hotmail.com


Article V1
URL: http://somalitribune.com/modules/article/view.article.php/c2/18