Fursada Maalgelineed ee deegaanka ..
Category: Dhaqaalaha
Subtitle: #0 warbixintii Sharciga maalgelinta Federaalka Itoobiya ...
Author: html
Date: 2007/5/31
Waxaan halkan idinku dhamaystiraynaa warbixintii ka hadlaysa sharciyada iyo faaidooyinka ay helayaan dadka asal ahaan ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ama Etiyoobiyaankaba ah ee qaatay dhalashooyinka wadamo kale ee raba in ay maal gelin ku sameeyaan Ethiyoobiya ama ganacsi ka sameeyaan.
Summary: Waxaan halkan idinku dhamaystiraynaa warbixintii ka hadlaysa sharciyada iyo faaidooyinka ay helayaan dadka asal ahaan ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ama Etiyoobiyaankaba ah ee qaatay dhalashooyinka wadamo kale ee raba in ay maal gelin ku sameeyaan Ethiyoobiya ama ganacsi ka sameeyaan.
Webka Somalitribune wuxuu maqaalkii hore kaga hadlay khayraadka ceegaagen deegaankeena waxynu maqaalkan kaga hadlaynaa fursadaha maalgelineed ee ka jira degaanka iyo sida looga faa?iidaysan karo.
Degaanka Soomaalidu wuxuu ka mid ahaa safka ugu horreyana kaga jiray degaannadi ay dowladdihii hore dayaceen gabi ahaanba ka xaaraan tinimeeyeen adeegyadii aas?aasiga iyo laf dhabata u ahaa jiritaanka iyo nolosha bulshada.
Etiyoobiya waxa ka dhacay isbedel siyasadeed 28kii bishii May 1991kii oo haatan laga joogo 15 sannadood iyo dheeraad 16 sano ku dhawood. waxaana xuklunka la wareegay jabhadihi isbahaystay ee la magac baxay EPRDF (Ethiopia People Revolutionary Democratic Front) oo ka koobnaa afarti jabhadood ee kala ahaa:-
- TPLF (Tigre People Libration Front)
- EPDM ( Ethiopian People Democratic Movement)
- OPDO (Oromo People Democ. Organization) iyo ururkii saraakiisha.
Mudddadaa 16ka sano ku dhawaadka ah badi quumiyadaha iyo qaramada Itoobiya way ka faa?iidaysteen , haddii ay tahay dhinaca maamulka, dhinaca ganacisga, maalgelinta, Dhaqanka iyo dhaqaalaha, wax soosaarka, waxbarashada caafimaadka, biyaha, dhismaha iyo Horumarinta degaanka, hase ahaatee nasiib darro Qowmiyadda Soomaaliyeed ee qarniyada dulmanayd degaakeedana la dayacay, Itoobiya 16kii sano ee ka soo dhaafay, way la qadday boqolkiiba 10% wax ka yarna loogama faa?iindayn waxaana u sabab ah siyaasad iyo maamul qabiil ku dhisan oo khilaaf iyo isjiijiidad aan micno lahayn uu wakhtigu kaga dhammaado.
Waxaana xusid mudan in mudadaa 16ka sano ku dhawaadka ah ee dalka Itoobiya 4 xukumadood (hal xukumad oo ku meel gaadha iyo 3da xukumadood ee rasmiga Fadaradka ah ka soo dhismeen) waxaa Degaanka Soomaalida ka soo dhismay 4xukumadood xiliiga kalaguurka ah iyo 5 xukuumadood oo xilliga Federaalka-9 xukumadood ayaa ka soo dhismay degaanka soomaaliyda iyada xukumyadda u badan 2 sano iyo waxoogaa maamulka haysay arrintaas oo aan ka dheehan karo khilaafka Bulshada Soomaaliyeed ka marin habaabiyay fursadihii ay heleen. waxaan hadaba maqaalkan kaga hadlaynaa shuruucda u yaala maalgelinta:
1. Siyaasadda Maal-galinta ee jamhuuriyadda dimuqraadiga federalka Itoobiya Si loo dhiiri galiyo loona fududeeyo dhaq-dhaqaaqa maal-galiyeyaasha ajnabiga ah iyo kuwa waddaniga ahba waxaa bishii May 1992kii, la soo saaray sharciga maal-galina tir 15/1992. Bayaankaa waxaa dib loogu habeeyay bayaanka maal-galinta Tir. 37 ee la soo saray 1996kii, iyadoo ujeedadu tahay in loo furo qaybo badan oo maal-gelineed maal-geliyeyaasha gaarka ah lana xalliyo caqabadihii sharcigii hore.
Bayaanka Tir 37/1996 (Bayaanka maalgelinta) waa bayaan ay soo saareen golaha wakiilada shacabka ee heer Federaal. Golahan oo matala dhammaan shucuubta iyo qowmiyadaha Itoobiya, bayaanka uu soo saaray wuxuu degaanada Itoobiya eek ala duwan ee degaanka Soomaalidu ka mid yahay u fasaxayaa in ay dhistaan xafiisyo maal-gelineed oo heer degaan ah soona saartaan siyaasado maal-gelinta dhiirri-gelinaya oo waafaqsan siyaasadda maal-gelineed ee heer federal.
Iyadoo haddaba, laga duulayo dadaalka adage e ay dawladdu ugu jirto in dhinaca gaarka ah laga dhigo inuu dawrka hoggaaminta ka ciyaaro dhaqaalaha, waxaa lagama maarmaan noqotay in dhinacyo kale oo maal-gelineed loo furo maalqabeenada gaarka ah. Sidaa awgeed, tallaabooyin taabbo gal ah ayaa la qaaday si wax looga baddelo bayaanka Maal-gelinta 37/96 ee xaadirka ah loona fudedeeyo in maal-geliyayaasha gaarka ahi ay ka qayb qaataan qaybaha maalgalinta istiraatijiga ah sida isgaadhsiinta, tamarta iyo difaaca ???????.. wax ka baddalka waawayn ee lagu sameeyay sharciga maal-gelinta tir 37/1996 ????..? Awoodda dabka biyaha laga dhaliyo isgaadhsiinta iyo difaaca
Sida ku cad sharciga maal-gelinta ee wax laga baddalay Tir. 116/98, awoodda dabka biyaha laga dhaliyo waxaa gabi ahaanba loo furay maal-galinta gaarka ah, dhinaca isgaadhsiinta iyo warshadaha difaacana ay maal-geliyayaasha gaarka ahi waxay si wadajir ah ula maalgashan karaan dawladda.
Wax ka baddalkani kaliya ma aha mid caddeynaya dadaalka ay dawladu ugu jirto inay yarayso gacan ku haynta dawladda ee dhaqaaqa maal-gelinta, sidoo kale wuxuu qayb wayn ka qaadanayaa soo galida ra?samaal, taknoolajiyad iyo aqoon dalka.
DADKA AJNABIGA AH EE ASALKOODU ITOOBIYA AHAA
Waxaa isku cad in siyaabo siyaasadeed iyo kuwa kalaba, gaar ahaan xilligii dawladdii militariga ahayd, kumanaan Itoobiyaan ahi ay dalkooda ka qaxeen. Si ay noloshooda u dhisaan ayna u sugaan noloshooda dibadeed, qaar ka mid ah dadkaa ayaa markii danbe dhalashadoodii baddalay. In kastoo Itoobiyaankaasu ay dhalasho dal kale qaateen niyadda Itoobiyaan ayay ka yihiin. Sidaa darteed, in lagu dhiirigaliyo inay waddankooda ku soo noqdaan oo ay hawlaha maal-gelinta ka qayb qaataan waxay saameyn ballaadhan ku leedahay inay waddanka soo gasho maal-gelin ajanabi oo taas ah.
Sida ku cad sharcigan cusub ee dib loo habeeyay waxaa dadkaa loo qaadan karaa, haddii ay doonayaan, sidii maal-geliyeyaal wadani ah oo kale. Sharcigan dib loo habeeyay wuxuu Itoobiyanka dhalasho ajinabi ah haysta siinayaa fursadda ah inay ka qayb qaataan illaa 20 nooc oo dhaq-dhaqaaqyo maal-gelineed ah loo qoondeeyay maal-geliyayaasha waddaniga ah, laakiin waa inaanay dhoofinin faa?iidadooda iyo dakhliyada kala ee ay maal-gelintaa ka helaan.
SHAQAALEYNTA SHAQAALE AJINABI AH
Sharciga maal-gelinta dib loo habeeyay wuxuu maal-geliyeyaasha u oggolaanayaa inay si madax bannaan u shaqaaleystaan shaqaalaha maamulka sare ee ajnabiga ah marka ay oggolaato wakaaladda maal-gelinta Itoobiya. Waase in loo soo gudbiyaa wakaaladda wakhtiga, jadwalka iyo barnaamijka tababar ee ujeedadiisu tahay in shaqaalaha ajnabiga ah Itoobiyaan lagu bedalo.
MULKIYADDA MAAL-GELIYEYAASHA EE HANTI MA GURTO AH
Iyadoo laga dab qaadanayo dadaalka loogu jiro in jawi ku habboon loo abuuro maal-gelinta ajinabiga ah, iyo inay dareemaan in maal-geliyayaashu ay dhulkoodii joogan oo kale marka ay Itoobiya joogaan, sharciga maal-gelinta dib loo habeeyay wuxuu maal-geliyayaasha ajinabiga ah xaq u siinayaa inay yeeshaan hantida ma guurtada ah ee makal-gelintooda ugu baahan yihiin.
WAX KA BADDALKA MAAL-GELINTA ADEEGGA LA TALINTA
Sharciga maal-gelinta ee Tir 37/1996 wuxuu ku koobayaa adeegga la talinta kuwa handasado, dhismaha iyo adeegga farsamo kale. laakiin sharciga dib loo habeeyay wuxuu balaadhinayaa xaddiga, wuxuuna ku darayaa adeegga xisaabaadka iyo hantidhawrka, diraasadaha mashaariicada iyo adeegyada la talinta maamulka iyo ganacsiga.
DHIIRRI-GELIN DHEERAAD AH OO KU SAABSAN MAAL-GELINTA CAAFIMAADKA IYO WAXBARASHADA
Marka laga reebo dadaalka ay dawladdu wado, ka qayb qaadashada maal-gelinta gaarka ah ee adeegyada bulshadu waxay lagama maarmaan u yihiin in la helo horumar la isku hallayn karo iyo inay hagaajiyaan kor u qaadida heerka caafimaad iyo waxbarasho. Iyadoo taasi laga eegayo, ayaa aad loo dhiiri gelinayaa ka qayb qaadashada maal-gelinta gaarka ah dhinaca maal-gelinta caafimaadka iyo waxbarashada. Sidaas darteed, maal-gelinta mashaariicada dugsiyada sare, kuwa farsamo iyo waxbarashada heerka sare ah waxay xaq u leeyihiin dhiirigalinta xagga maal-gelinta ugu sarreysa ee uu waddankui bixiyo. Sidoo kale, dhinaca caafimaadka maal-gelinta hosbitaalada iyo goobaha baadhistu waxay helayaan dhiiri-gelintaa oo kale.
GANACSIGA JUMLADA AH EE KEENIDA SALIIDDA
IYO WIXII KA SOO BAXO
Dhaqdhaqaaqa ganacsiga jumlada iyo tafaariiqada ee keenidda saliidda iyo wixii ka soo baxa, waxaa gebi ahaanba loo qoondeeyay ganacsatada waddaniga ah sida ku cad sharciga maal-gelinta 37/1996. Laakiin, sharkadaha saliidda ee caalamiga ah sida Shell, Mobil, Total, iyo Agip, kuwaasoo tobanaankii sano ee la soo dhaafay ku mashq-uulsanaa inay keenaan saliidda iyo wixii ka soo baxa bayaankani ma uusan saamaynin. Hase-ahaatee, waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo adeeg sugan oo la xidhiidha keenidda saliidda iyo wixii ka soo baxa dalka, loona furo suuqa shirkadaha ugu badan ee adeeggan bixin kara marka lagu daro kuwa hadda jira. Sidaa aawadeed, ganacsiga jumlada ah ee keenidda saliida iyo wixii ka soo baxaba wuxuu hadda u faran yahay maal-geliyaasha ajnabiga ah sida ku cad xeer-nidaamiyaha Tir 37/1998 ee golaha wasiirada.
CANSHUUR DHAAF (CANSHUURTA JIBRIGA)
Maal-geliyuhu wuxuu xaq u leeyahay in 100% laga dhaafo canshuurta jibriga iyo canshuuraha kale ee laga qaada waxyaabaha dalka la soo galiyo maal-gelintaa sida mashiinada iyo qalabka iyo waliba sidoo kale qalabka dayactirka oo aan ka badnayn 15% ee qiimaha mashiinka ama qalabka la soo dajiyay.
CANSHUUR DHAAFKA DAKHLIGA
Dakhli kasta oo laga helo mashruuc maal-gelineed ayaa laga dhaafayaa canshuurta dakhliga muddo u dhaxaysa 1-5 sano iyadoo laga eegayo mudanaanta la siinayo dhaq-dhaqaaqa maal-gelineed iyo goobta maal-gelintaas laga wado.
Degaankeena iyadoo haddaba laga eegayo takoorkiiay dawladihii hore horumarka ka takooreen ayaa wuxuu leeyahay xaddiga ugu sareeya ee canshuur dhaafka dakhliga ee maal-geliyayaasha sharcigu u oggol yahay.
HABKA CODSIGA FASAXA MAALGALINTA
Sharciga Maal-gelinta Degaanka waxaa ku cad in qof kasta uu awood u leeyahay inuu ka shaqeeysto kana qayb-galo dhaq-dhaqaaqa maal-gelinta. Maal-geliyeyaasha waxay xaq u leeyihiin inay helaan dhulka ay u baahan yahiin. Maal-geliyuhu marka uu helo fasaxa maal-gelinta dhammaan hantidiisu waxay helaysaa damaanada lagama marmaanka ah oo idil.
Dhinaca kale, maal-galinyeyaashu waa inay maraan habka ay ku heli karaan Fasaxa Maal-gelinta. Si uu maal-geliye u helo Fasax maal-gelineed waa inuu xafiiska maal-gelinta ee degaanka Soomaalida u soo gudbiyaa:
1. Faah?faahinta mashruuca uu doonayo inuu maal-geliyo.
2. Liiska mashiinada iyo qalabka (noocaada iyo tiradoodaba) ee uu maal-geliyuhu doonayo in loogu sameeyo canshuur dhaaf.
3. Xeer hoosaadka shirkadda ganacsiga.
4. Faallo kooban iyo barnaamijka fulinta oo ku saabsan ballaadhin mashruuc hore.
5. Wakiilasho qoraal ah marka codsiga uu wakiil samaynayo.
Marka dokumentiyadaa oo dhan loo soo gudbiyo, xafiisku Fasaxa maal-gelinta wuxuu ku bixiyanyaa muddo toban bari gudahood ah.
Warbixintan waaxy bogan ku soo baxday horaantii 2006. hadday wax isk abedeleen gadaal baan ka saxynaa.
Article V1
URL: http://somalitribune.com/modules/article/view.article.php/c2/20