EMPTY CELL EMPTY CELL
home Boga Wararka articles Boga Afkaarta gallery events contact
Saturday, May 17, 2008 | Login
Login
Username:

Password:


Lost Password?

Register now!
Boga Hore
Article :: Dhaqaalaha

Warbixin: Khayraadka ceegaagan deegaanka Soomaalida iyo xaalada cimilo ...


Warbixin: Khayraadka ceegaagan deegaanka Soomaalida iyo xaalada cimilo ...
Warbixin ku saabsan khayraadka ceegaagan deegaanka Soomaalida, cimilada , inta gobol iyo degmo ee uu ka kooban yahay deegaanku iyo warar Dheeraad ah.
KHAYRAADKA CEEGAAGAN GEYIGEENNA
Deegaanka soomalaidu wuxuuna dhacaa inta u dhaxaysa dhigaha iyo loolalka kale ah 40C0 ? 11C0 woqooyi iyo 40C0 ? 48C0 bari. wuxuu xuduud la wadaagaa dawlad degaameedyada qomiyadda Oromada oo dhinaca galbeed uu xuduud kala wadaago, qowmiyadda canfarta iyo dalka Jamhuniyadda Jabunti oo dhinaca waqooyi xuduud kala leeyahay, dalka Kiiniya oo koonfur iyo Soomaaliya oo uu koonfur bari iyo bari xuduud kala wadaago.

Bedka dhulka uu ku fadhiyo degaanka Soomaalida ee Federaalka Itoobiya, waxaa lagu qiyaasaa 281,900 km2 waxaana lagu tiriyaa in uu yahay dhulka u ballaadhan deegamada qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya, marka laga reebo degaanka Oromada oo wax yarka ballaadhan.

Dhulkaasi wuxuu u badan yahay dhul hooseeya (law land) wolow dhul dhexdhexaada iyo dhul sarreeya (high land) in uu jiro. celceliska kala sarraynta dhulka waxaa lagu qiyaasaa 500 ? 1600m oo heerka badda ka sarreya.

Celceliska roobka kada?a degaanka Soomaalida sannadkii waxaa lagu qiyaasaa 200 ? 700mm, celceliska heerkulka sannadkiina waa 20C0 ? 45C0, tirada dadka waxaa lagu qiyaasaa 3,649,374 (qiyaasta tirakoob ee sannadkii 1999kii) waxaana lagu sheegaa 54.5% ka mida dadkaasi in ay yihiin lab 45.5% dadkaas, waa reer guraa xoolo raacato ah 14.3% kalena waa reer magaal deggan magaalooyinka.

Degaanka Soomaalidu wuxuu ka koobanyahay 9 gobol oo u sii kala baxa degmooyin . Waana sidan

1- GOBLKA JIGJIGA
1. Degmada Jigjiga
2. ? Q/bayax
3. ? Xarshin
4. ? Aw/barre
5. ? Banbaas


GOBOLKA SHINIILE
6. Shinniile
7. Erer
8. Dambal
9. Ayshica
10. Afdam
11. Ma?ayso

Gobolka Dhagax Buur
12. Degmada D/buur
13. ? Awaare
14. ? Gaashamo
15. ? Guna gado
16. ? D/madow


GOBOLKA FIIQ
17. Degmada Fiiq
18. ? Sagag
19. ? Xamaro
20. ? Dhuxun
21 ? Garbo
22. ? Mayomaluqa
23 ? Laga hidda
24. ? Salaxaad


GOBOLKA W.DHEER
25 Wardheer
26 Galaadi
27. Danood
28. Bookh

GOBOLKA QORAXAY
29. Qabri Dahare
30. Dhoooba Wayn
31. Shilaabo
32. Shaykoosh


GOBOLKA GODEY
33. Godey
34. Qalaafo
35. Mustaxiil
36. Feer-Feer
37. Dhanaan
38. Cadaado
39. Iimay bari



GOBOLKA AFDHEER
40. Ceel Karri
41. Hargeelle
42. Baarray
43. Doloobay
44. Jarrati
45. Iimay Galbeed
46. Gorabaqaso
47. Guradhaamoole

GOBOLKA LIIBAAN
48. Filtu
49. Doolow Addo
50. Mooyaale
51. (Hudat)



Degaanka Soomaalidu wuxuu ka mid yahay degaannada dihin ee Alle uu ku maannaystay khayraad kala duwan oo ay ka mid yihiin


XOOLAHA NOOLXoolaha Nool, Sida geela, la?da, adhiga (ido iyo riyo) dameeraha iyo fardaha taasoo uu safka hore kaga jiro dalalka hodanka ku ah xoolaha noo ee qaarnadda Afrika iyo Qaaradaha kale ee adduunka qarkood daraasado iyo tirakoobyo laga soo xigtay xafiisyada beeraha, X/Xoolaha, qorsheynta iyo maalgelinta waxaa lagu sheegay in tirada xoolaha kala duwan ee ku nool Degaanka Soomaalida ee Itoobiya tahay sidan:-

1. Geela --------- 2,032,000 neef
2. La?da .......... 6,000,000 neef
3. Riyalla ........... 8,547,000 neef
4. Idaha ----------- 9,053,000 neef
5. Gammaanka (Fardo iyo dameeryo) 250,000 neef
Isugen tirada xoolaha kala duwan ee Degaanka Soomalida ku dhaqani waxay dhan tahay 26,882,000 neef (labaatan iyo lix uu kun sideed boqol siddeetan iyo laba kun oo nef)

KHAYRAADKA BEERAHA Deegaanka soomaalida oo ah degaannada u ballaadhan dhul ahaan dalka Itoobiya wuxuu leeyahay dhul beereed lagu qiyaaso 6 milion oo hekter, waxaana maraa dhulkaa, meelaha qaarkood afar wabi oo kala ah

1.-------------Wabi shabeelle
2. ................. " Gannaale
3. ---------------? Wayb
4. ---------------- ? Daawe
Daraasad uu sameeyay xafiiska qorshaynta iyo kobcinta dhaqaaluhu sannadkii 1999kii waxaa lagu caddeeyay in wabiyadaasi waraabin karaan dhul beereed ballaciisu dhan yahay 772,000 hiktar tusaale ahaan

1.----------Wabi shabeele, wuxuu waraabin karaa dhul dhan 112,000 hiktar
2. ---------- Webi Gannaale -------------------- ---------- 135,800
3.---------- -- >> Wayb -------------------- ---------- 417,000
4.---------- -- >> Daawe -------------------- ---------- 108,000
sugeyn -------------------- ---------- 772,000 hiktar

Source:- Planning bureau 1999

FOOXA IYO XABAGTA
Deegaanka Soomaalidu waxaa kale oo uu hodan ku yahay khayraadka dabiiciga ah oo ay ka mid yihiin fooxa iyo xabagta, waxaana meelo badan oo Degaanka Soomaalida laga helaa oo ka baxa noocyo kala duwan oo dhirta fooxa, xabagta, malmaha iwm oo tiro iyo tayo dhaxalgala oo la isku hallayn karo leh, waxaana ka mid ah kuwaan:-
1.----------- Fooxa cad (whit incense)
2.----------- Fooxa madow (black incense)
3.----------- Malmalka madow (black myrrh)
4.----------- Malmalka cad (whit myrrh)
5.----------- Xabag cadaad (Gum Senegal)
6.----------- Xabag haadi (Gun seyal) iyo kuwo kale oo badan
Sida lagu sheegay xogtan oo laga soo xigtay xafiiska maalgalinta Degaanka Soomaalida daraasad lagu sameeyay gobolka Liibaan oo 9ka gobol ee Degaanka Soomaalidu ka koban yahay ka mida waxaa la sheegay in 1,288,100 tan oo xabagta cadaadda ah iyo xabag haadiba laga heli karo gobolkaa, 366,600 ton oo malmal ah iyo 975,100 ton oo foox ah.

MACDANTA IYO TAMARTA

Tamarta
Waxaa la sheegay in biyaha wabi shabeelle meelaha qaarkood laga dhalin karo quwadda korontada, waxaana lagu qiyaasaa in laga dhalin karo quwad koronto oo dhan 738,000 megawatt, iyadoo wabiyada kale ee cannaaha weyb iyo Daawene meelaha qaarkood quwad koronto laga dhalin karo.

SHIDAALKA IYO GAASKA DABIICIGA AHWaxaa sugan oo la hubaa lana caddeeyay in meelo ka mida Degaanka Soomaalida uu ku jiro shidaal iyo gaas dabiici ah waxaana ka mida meelaha shidaalka laga helay agagaanka degmooyinka shiilaabo iyo Dhooba-weyn oo gobolka Qorraxay ka tirsan waxaana la ogsoon yahay in ay laba shirkadood oo midawga sofyeeti oo kala dambeeyay goobta ay ku magacaabeen kaalub iyo hellelle ay labadaa shirkadood ka kala qodeen 11 ceel oo ay dhammeystireen, ceelashaas oo la caddeeyay in ay ku jiraan ama laga heli karo 68 biliyan mitir cubic (68 bilyan m3 ) oo gaaska dabiiciga ah oo ganacsi gali kara gaaskaa dabiiciga ah oo marka la sii hormariyo laga heli karo beenziin (batrol) naafto, gaaska cad ee la shito iyo gaaska dayaaraadaha ooh.


MACDANTAWaxaa la caddeeyay qaybo badan oo dhulka Degaanka Soomaalida in ay ceegaagaan macdano kala duwan oo muhiima qiimana ku leh adduunka tusaale ahaan waxaa ka mida:-

1. Dahabka oo gobolka Liibaan laga helay gaar ahaanna agagaarka jaamuuq, rahamsam iyo hasamte.

2. Milixda (cusbada) oo cadad ballaadhan oo ganacsi gala laga helo goobo ka mida gobolka Afdheer gaar ahaan degaanka god cusbo lagu magacabo, waxaana lagu qiyaasaa cusbo dhan 1-6 milyan oo tan in laga heli karo, sidoo kale goobaha cusbada laga helo waxaa ka mida doolow oo gobolka Liibaana Mustaxiil oo gobolka Goday ah iyo Shillaabo oo gobolka Qorraxay ah.

3. Marmarka iyo Nuuradda Gobolka shinniile, gaar ahaan agagaarka Dhagax Jabis iyo Erer ayaa ku hodan ah Dhagaxa Macdanta ah ee laga sameeyo marmarka, waxaana lagu qiyaaska 740,000m3 oo dhagaxa marmarka laga sameeyo ayaa goobahaa laga heli karaa waxaa kale oo Dhagaxaa marmarka laga heli karaa agagaanka Baabili, iyo meelo kale oo degaanka ah.
Macadanaha kale ee la hubo in ay ku jiraan meelo degaanka ka mida waxay kala yihiin Mica, Granite, Phosphourus iyo kuwa kale.

Somalitribune.com.
<< Warbixin ku saabsan ku noolaashaha Emaaraadka Fursada Maalgelineed ee deegaanka .. >>
Trackback
  • URL: http://somalitribune.com/modules/article/view.article.php/c2/19
  • Trackback: http://somalitribune.com/modules/article/trackback.php/19
Sponsors
API: PM Email PDF Bookmark Print | RSS | RDF | ATOM
Copyright© html & Somalitribune
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.