Sanadihii la soo dhaafay waxay gaadheen ka ganacsiga guryaha ee wadanka Emaaraadka meel aad u saraysa. Waxaana lagu sameeyay bilyans doolar ah oo ?maal gelin xaga dhulka la xidhiidha.
Sanadihii la soo dhaafay waxay gaadheen ka ganacsiga guryaha ee wadanka Emaaraadka meel aad u saraysa. Waxaana lagu sameeyay bilyans doolar ah oo maal gelin xaga dhulka la xidhiidha.Waxaa la isu sheegay in lacag badan laga faaidayo ka ganacsiga guryaha taasoo dad fara badan oo meelo kala duwan oo caalamka ku nool ay ku soo jabeen wadankan emaaraadka taasina waxay keentay in guryo aad u fara badan oo kumayal ahi ay ka socdaan emaaraadka.? Dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Reer Galbeedka ayaa aad u iibsada guryaha shuqooyinka intooda badana waxay u iibsadaan in ay ka faaideystaan oo ay sii iibiyaan amaba ay kireeyaan. ?Warbixin waxaan ku helay in guryaha sheekha ee Emarada Cajmaan ay 40 % ay iibsadaan Soomaali halka warar kale sheegayaan 60%.
Waxaa apartmentskan lagu iibsadaa nidaamka tartiib tartiib loo bixinayo (installment), muddada lagu bixinayona qiimaha guriga waa ?inta u dhaxaysa saddex sano ilaa lix sano. Qiimaah apartmentska waxay ku xidhan tahay meesha uu ku yaalo iyo masaaxada uu ku fadhiyo iyo adeega dhismahaas laga helayo ( sida dabaal, qolka trayninka, parking iwm) .? Apartmentska dhamaan waa laga gadan karaa dhamaanba 7 emaaradood , waxaase ugu caansan Duba, shaariqa? iyo Cujmaan.? Dubai ba ugu qaalisan waxaa ku xiga Shaariqa waxaa ugu raqiisan Cajmaan. Waxaa iyana hadda soo kacaysa Raysul Khayma.
Apatmentskan waxaa la bilaabaa iibintooda inta aan la bilaabin dhismahooda. Waxaa laguu soo bandhigi qaabka uu noqon doono dhismuhu, adeega laga heli karo? dhismahaasi , qiimaha, xiliga uu bilaaban doono dhismaah iyo xiliga uu dhamaanayo.
?Marka ugu Horeysa eed iibsanaysid waxaad bixinaysaa 20%? ama 10% ka dibna bil kasta waxaad bixinaysaa lacag go?an, inta aad bixinaysid bishii waxay ku xidhan tahay hadba qiimaha guriga iyo inta bilood eed ku bixinaysid lacagta guriga. Guryaha qaarkood marka u horeysa waxad bixini 10% ka dibna lix bilood ama sanad ayaad bixini 10% ka dibna xiliga furaha ayaad bixina 10% inta kuu hadhayna saddex sano iyo ka badan baad ku bixini.
Dadka iibsanaya guryaha 80% way ka ganacsadaan oo waxay guriga iibsadaan inta aan la dhisin waxayna sii iibiyaan muddo yar ka dibba? iyagoo faaiido saarta , qaar kalena waxay iibiyaan marka guriga dhismihiisu dhamaado.
Dadka qaarna way kireeyaan guriga markuu dhismuhu dhamaado , kirada ayayna ku bixiyaan lacagta bisha laga rabo. Kirada guryaha cusub ?hadda waa qaali. Oo Cajmaan oo ah meesha ugu raqiisan ?marka la barbar dhigo Dubai iyo Shaariqa labada qol iyo fadhiga waxaa hadda lagu kireeyaa 37 kun oo dirham ilaa 45 kun sanadkii una dhiganta? qiyaastii 10 kun? ilaa 13 kun Doolar.?
Guryahan apartments qaar waxa dhisa maamulana shirkado ay leeyihiin amiirada xukuma imaaradaha. Guryaha ay iibiyaan shirkadaha amiirada waxaa lagu bixiyaa sharci oo qofka ciqaamad ayaa la siiyaa? inkastoo ciqaamadas guno lag bixiyo marka u horeysa ee furaha lagu siiyo ka dibna saddexdii sanoba hal mar la bixiyo gunadaas. Faaidada kale ee guryaha sheekhu leeyihiin waa iyadoo lagu qorayo magacaaga oo in aad hantidaas aad adigu leedahay ayaa lagu qorayaa.
Kuwa kale waa kuwa shirkadaha privatka ama ashkhaastu ay dhisto kuwaas iyaga ciqaamada kuma heleysid.
?Halkan waxan idiin soo gudbinayaa qaar ka mid ah mashaariicda apartments ee shirkada sheekha Cajmaan ay ka dhisayso imaarada Cajmaan.
??????????????? Emaarada Cajmaan:
Waxaa jira mashaariic fara ?badan oo guryo dhisid ah oo ka socda magaalada Cajmaan. Mashaariicdaas waxay isugu jiraan kuwa shirkada amiirka xukumaa Cajmaan ay dhisayaan isla markaana iibinayaan iyo kuwo shirkado iyo ashkhaas? ay leeyihiin. Waxaan haddaba halkan ku eegi doonaa qaar ka mid ah ?mashaariicda Sheekha uu wado.?
Al Khor
Al- Khoor waxay ku yaalaan magaalada Cajmaan guddeheeda. Mashruucani wuxuu ka kooban yahay 12 ?dhismo (camaaradood ) oo midkiiba uu ka kooban yahay? 16 dabaq.? Guryaha waxay ka kooban yihiin hal qol jiif iyo fadhi , laba qol iyo fadhi iyo saddex qol iyo fadhi. Mashruucan sheekhu wuu wada iibiyay oo hadda dadkii horey u iibsaday ayaa sii gadaya. Faahfaahinta guryahan oo koobana waa sidan:?
Xiliga dhismuhu bilaabmay?????????? | Nov. 2005? | |||
Xiliga uu dhamaanayo | Jun. 2007 | |||
Lacagta horumarinta?????????????????????? | 20% | |||
Mudada lagu bixinayo | 60 bilood | |||
| Saaxada guriga | 2 qol + fadhi | 1813 ft | ||
| 3 qol + fadhi | 2366 ft | |||
| Qiimaha? bilowga ahaa Nov 2005 | 220 Dirham pr ft | Laba qol | 398860 Dirham | |
| 3 qol + fadhi | 520520 Dirham | |||
| ? | ? | ? | ? | ? |
Suaal :? Faaiido intee le?eg ayuu qofku faaiday muddo hal sano ah laga bilaabo maalinta dhismaha la bilaabay ilaa hadda April 2007:
Waxaan tusaale u soo qadanaynaa qofka iibsaday guri 3 qol iyo fadhi ah ( sawirka gurigan hoos ka eeg). Gurigan wuxuu ka iibsaday xafiiska sheekha markii la bilaabay wuxuuna iibsaday taariikh Nov 2005 wuxuuna sii iibiyay Maarso 2007.
Waxaan isticmaalaynaa lacagta Dirham. Halkii Doolar waa 3.67 Dirham. Waana joogto oo isma bedbdelo.
Gurigan? waxaa xafiiska sheekha lagaga ??iibsaday 220 halkii ft. Saaxada gurigu waa 2366 ft. qiimaha gurigu markaa waa 220 drhm * 2366 ft = 520520 Drham.
Horumarin wuxuu bixiyay 78000 Dirham. Wuxuu kaloo bixiyay bilkasta laga soo bilaabo nov-2005 ilaa? marso -2007 (15 bilood )? 127440 Dirham. (bishiiba wuxuu bixinayay 8496 Dirham) Bishii Maars qiimaha guryaha Alhkoor waxay marayeen inta u dhaxaysa 273Drhm/ ft? ilaa? 280. Qiimaha ugu hooseeyay ayuuna ku iibiyay oo ahayd 273 Dirham/ft. 273 * 2366 = 645918 Dirham. Ayuu ku gaday gurigan. Isagu wuxuu siistay ?520520 Dirham wuxuu faaiday:
Iskudar wuxuu hadda marayaa : 78000 + 127440 = 205440 Dirham.
645918 ? 520520 = 125398 Dirham ayuu faaiday.? Wuxuu meesha kala tegeyaa
205440 ( lacagtii hore ee uu bixiyay ) + 125398 (lacagta faaidad ah) = 330838.
Lacagtaas uu bixiyay ee ahayd 205440 wuxuu ka faaiday ?faaiday 60% .
Horizon towers waxay iska soo? horjeedaan kuwa Al Khor waxaa la bilaabay dhismahooda? sanadka 2006 waxayna dhamaanayaan 2008 bisha August.? Guryahan inta badan waa la wada iibsaday waxa soo hadhay oo keliya qaybo laba qol iyo fadhi ka kooban oon badnayn. Faahfaahintooduna waa sidan:
Details:?????????????????????????????????????????????????????????????????????? Facilities includes| Contract start date | 21/12/2006 | Free hold residential property | ||||
| Finishing Date | Aug-08 | Easy and long term payment | ||||
| Down Payment | 100500 | private eleveted parking | ||||
| No. Installment | 13 | Temp. Ontrolled swiming pool | ||||
| Each time payment | 30923 | Kids pool & snack bar | ||||
| ?Starting installment (Date) | 01/02/2007 | Gymnasium & Aerobic | ||||
| Ending installment (Date) | 01/02/2010 | Jaccuzi | ||||
| Price pr. Foot Start | Nov. 2006 | ?275 Dr | Sauna & Steam Bath | |||
| Price now | 06/03/2007 | 295 Dr | Games area | |||
| Chilled Water Central A/C | ||||||
| Security system | ||||||
Falcon Towers?
Falcon Towers waxay isu dhow yihiin dhismayaasha kale ee Alkhor iyo Horizen.? Waxaa dhagax dhigooda la bilaabay Des 2006 waxaana ay dhamaanayaan sida ku qorshuhu yahay 2009. Mashruucan wuu ka qalisan yahay labadii ka horeeyayba sida muuqatana mashruuc kastaa wuu ka qaalisan yahay kii ka horeeyay. Mashruucan wuu banana yahay weli. Wuxuuna ka kooban yahay hal qol jiif, laba qol jiif iyo saddex qol jiif. Faahifaahinta oo buuxdana hoos ayuu ku qoran yahay.
| Project details | Facilities includes | ||||
| Contract start date | 11/12/2006 | Free hold residential property | |||
| Finishing Date | ? 2009 | Easy and long term payment | |||
| Down Payment | ? 100000 | private eleveted parking | |||
| No. Installment | 60 mounth | Temp. Ontrolled swiming pool | |||
| Each time payment pr mounth | 6639 - 8580 | Kids pool & snack bar | |||
| Starting installment (Date) | 01/12/2006 | Gymnasium & Aerobic | |||
| Ending installment (Date) | 01/11/2011 | Jaccuzi | |||
| Price pr. Foot Start | starting date | ?320 Dr. | Sauna & Steam Bath | ||
| Price now | 06/03/2007 | 320 Dr | Games area | ||
| Chilled Water Central A/C | |||||
| Security system | |||||
The Emirates City waa mashruuc aad u balaadhan? waa xaafad ama magaalo yar oo laga samaynayo geeska ama banaanka magaalada Cajmaan. Waa dhul cidla ah oon weli waxba laga samynin. Waa mashruuc ka kooban 72 dhismo. Oo isugu jira guryo deegaan, tukaamo ganacsi, hotel, masaajido, gobo waxbarasho, iyo gobo caafimaad . Dhismaha u horeeyana waxuu dhamaanayaa Des 2008.
Sheekha Cajmaan dhismayaashan ama Towers qaarna shirkadiisa ayaa dhisaysa oo masuul ka ah qaybna? shirkado iyo ashkhaas ayaa dhisaysa oo iibsaday. Qaybaha uu isagu dhisayo xafiiskiisa ayaa masuul ka ah. Qaybta kale ee shirkadaha iyo ashkhaastu ay dhisayaan shirkadahaas iyo ashkhaastaas ayaa masuul ka ah hadday noqoto xaga qiimaha , baaxada ama saaxada guryaha iyo weliba suuq geynteedaba.? Ilaa hadda waxaa la bilaabay dhismaha 6 tower (dhismo). Laba ka mid ah uunbuu xafiiska sheekhu masuul ka yahay.
Dhamaan dhismayaasha mashruucan ama ha noqoto kuwa sheekha ama kuwa ay shirkadaha ay masuulka ka yihiin waxay ka siman yihiin waxaa lagu helayaa sharci ama ciqaamad.
Ilaa hadda laba dhismo (Tower) ayay shirkada Sheekhu masuul ka tahay oo kala ah
-???????? Paradise Lake Tower
-???????? Rosa Tower
Paradise Lake TowerDhismahani waa kii u horeeyay ee laga sameeyo meeshaas .? Xaga shirkada Sheekha wuu ka dhamaaday , gacanta labaad? uun baa la helaa . (gacanta labaad waxaan uga jeedaa qof iibsaday oo sii iibinaya).
Waxaa hadda socda dhismaha labad oo ah la dhhao Rose Tower. Dhismahani wuxuu ka kooban yahay hal qol iyo jiif iyo laba qol iyo jiif.
Waxaa kaloo jira dhismayaal ama towers ka mid ah mashruucan emirate city oo ay wadaan shirkado madax banaan oonaan halkan ku sheegin.
Mashaariicda kale :
Waxa jira mashaariic kale oo badan sida Mashruuca Cajmaan One, Ajman Cornache Residence , iyo kuwa kale oo magaalada guddeheeda ku yaala xiiso badana leh.
Gebegebo:
Waxaad marar badan ka daawada xayaysiinta tv dhul aad u qurux badan oo u eg jano , haddaba ogsoonow xayaysiinta iyo dhabtu isku mid ma aha.
Haddii aad rabtid inaad iibsatid shuqo si fiicane uga fiirso meelo badan eeg ha noqon ku isk aamina wixii loo sheego.
Suaalo isweydiin leh:
Faaidooyinkii laga helay sanadihii hore weli ma jiraan.
Khatar intee leeg ayaa ku sugan in aan iibsado shuqo.
Gunnoda ciqaamada ee la bixiyaa waa intee in le eg
Xageen ka heli karaa macluumaad dheeraad
Saansaanka faaiido ee mustaqbalku waa side
Maxaa laga yidhi qaabka ay wax u socdaan
?
su?aalahaas iyo? warbixinaha guryaha ee Shaariqa iyo Duba kala soco warbixinta dambe.
Cabdi Xaaji
abdiwarfa@hotmail.com





