EMPTY CELL EMPTY CELL
home Boga Wararka articles Boga Afkaarta gallery events contact
Saturday, May 17, 2008 | Login
Login
Username:

Password:


Lost Password?

Register now!
Boga Hore
Article :: Dhaqaalaha

Sariflayaasha iyo xawaladaha Dubai oo qiimihii sarifka Doolarka /dirhamka hoos u dhigay, maxaa sababy mase ku sii socon doontaa , radkee ayayse ku yeelani ...


Sariflayaasha iyo xawaladaha Dubai oo qiimihii sarifka Doolarka /dirhamka hoos u dhigay, maxaa sababy mase ku sii socon doontaa , radkee ayayse ku yeelani ...
Doolarka ayaa wuxuu ahaa mid ay dowladdu u samaysay qiimo go,an 1997. Qiimahas oo ahaa mid aan isbdeleyn si kasta oo doolarku u dhaco ama u kaco wuxuuna ahaa qiimahaasi halkii doolar 3.6725. Haddaba maalintii Jimcaha ahayd ayaa dadkii ku waabariisteen in sariflayaasha iyo xawaaladuhu ay ku sarifayaan halkii doolar inta u dhaxaysa 3,05 ila 3.4 maxaa sababay mase ku sii soconi sii akhriso
Doolarka oo qiimihiisu uu sabeenayo uuna hoo su dhacayo ayaa waxay raad weyn ku yeelan kartaa ganacsiga aduunka. Maceeshadii wadamada khaliijka siiba Emaraadka ayaa sare u kacday taasoo qof walba oo halkan jooga uu dareemay.

Sideedabana qiimaha sarifka lacagaha ajnabiga waxaa dejiya ama xukuumadaha ama suuqa.

Dowlada Emaaraadka waxaa sarifka doolarka hal meel ku fadhiisiyay dowlada laga soo bilaabo sanadkii 1997 sidas daraadeed si kasta oo uu doolarku hoos ugu dhaco ama sare ugu kaco isma uusan bedelaynin qiimaha dirhamka ee halka doolar oo ahaa 3.6725.

Bishii hore ayaa waxaa ka soo baxay hadalo guddoomiyaha bankiga dhexe ee emaaraadka Sultan Bin Nasir oo sheegay culayska dhaqaalaha iyo bulshada ee soo food saartay shacabka maaraadka ku dhaqan in ay keenayso in dowladuu fasaxdo Doolarka taasoo macnaheedu yhay suuqa ayaa xukumaya doolarka.

Haddaba qolooyinka wax mala awaalayaasha la dhaho ayaa suuqa soo geliyay warar sheegaya in Doolarka la fasaxayo oo uu suuqa xukumayao taasoo ka dhigan in uu hoos u dhacayo sarifka.

Arintan ayaa waxay cabsi gelisay shirkadaha xawaaladaha iyo sariflayaasha oo qaatay goaanka ah in ay hoos u dhigaan qiimihii ay ku sraifayeen doolarka iyo dirhamka.

Maalintii Sabtida ee 2-13-07 sarifka meelaha qaarkood wuxuu gaadhay 3.05 halkii doolar inkastoo gelinkii dambe uu sare u kacay

Bankiga ayaa isagu aan waxba ka bedelin qiimihii uu ku sarifayay oo ahayd 3.65 tasoo keentay in dadku ay aadaan bankiyada isla markaana la arko safaf aad u dhaadheer.

Maanta oo isniin ah weli wuu hooseeyaa sarifku iyadoo weli ay jirto cabsida ah in

Bankiga dhexe ee Emaaraadka ayaa sheegay in siyaasadii dowladda ee Doolarka aan waxba laga bedelin oo ay weli sidiisii tahay.

Waxay dadku indhaha ku eegayaan shirka wadamada khaliijka uga furmaya Dooxa oo la filayo in arintan lagag hadlo.

dadka u guur kala arimaha ganacsiga iyo lacagaha ayaa sheegaya in aakhirka ay lagama maarmaan ku noqon doonto emaraadka in ay dib u eegto siyaasadeeda sarifka doolarka lana filayo isbedel yimaado ilaa lix bilood guddeheeda.

Waxaa dadku hadal hayaan in uu sarifku ku soo noqon doono sidiisii haddii aanay dhicin wax isbdedl ah yaamahan.

qiimahan cusub ee doolarka waxuu raad ku yeelanayaa alaabta laga gadanayo Dubai iyadoo uu Dahabkii hoos u dhacay maalintii sabtida ahayd.

Somalitribune ayaa idinla socodsiin doonta wixii ku soo kordha arintan.

Somalitribune, Duabai
<< Working Towards a Lasting Peace in the Ogaden : A conference on the political and humanitarian situation in the Ogaden December 7th and 8th, 2007 Taageer Yuusuf Xassan musharax u taagan xisbiga ODM-Kenya doorashada Kenya ee dhacaysa 27 Desember >>
Trackback
  • URL: http://somalitribune.com/modules/article/view.article.php/c2/26
  • Trackback: http://somalitribune.com/modules/article/trackback.php/26
Sponsors
API: PM Email PDF Bookmark Print | RSS | RDF | ATOM
Copyright© html & Somalitribune
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.